“Arrintaasi waxay noqon doontaa mid saamaysa Waalidka Iska dhalay Carruurta ee Qayrul-masuuliyiinta ah, ilma kasta oo rabshadahaa ka qaybgala Waalidkiisna waannu la soo xidhaynaa..” Wasiir Xukuumadda ka trisan oo Wargeyska Himilo Waraysi Gaar ah La Yeeshay
“Waxaannu samaynaynaa in Degmooyinka Xaafad Xaafad loo kala jebiyo, Xaafad walba Odayaasheeda iyo Guddiga Nabadgelyadu ka qayb-qaataan, dabadeedna Xaafad walba inta Rabshad-wadayaasha ah Liiskooda loo dhiibo Ciidanka Ammaanka si maalintii loo qabqabto...” Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco): Waraysi Gaar Ah
Hargeysa, 05 November, 2014-(Himilo):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay gacan bir ah wax kaga qabanayaan Dhalinyarada Rabshadaha ka sameeya qaybaha kala duwan ee Caasimadda dalka, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonto Dhalinyarada Rabshadaha sameeya iyo Waalidiinta dhalay-ba.
Dhalinyarada Rabshadaha ka sameeya Xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa xilliyada Habeenkii iyo galabtii, ayaa si xad-dhaaf ah ugu soo badanaya Caasimadda, kuwaasoo dhibaatooyinka kala duwan ee ay dadweynaha u geystaan-na tiro beeleen oo ay aad u faro bateen, isla markaana ay ka mid yihiin inay qof aan waxba galabsan Baango geliyaan, qaarkood Middiyo geliyaan dadka ay qabtaan si ay u baadhaan, kuwaasoo aan u aabbo yeelin Rag iyo Dumar, qof yar iyo qof weyn toona ee cid kasta baadhasho caddaan ah kula kaca, kana qaada Tilifoonnada gacanta ee ay sitaan dadku, wixii ay Lacag ama agab kale sitaan wakhtigaas, iyaga oo qof kasta oo ay baadhanayaan aan ka tegin illaa ay dhibaatooyin iyo dhaawacyo gaadhsiiyaan.
Waxay Dhalinyaradan Rabshad-walayaasha ah ee Hargeysa dawikhiyey sitaan Magacyada Naadiyo Ciyaareed oo ay qaarkood Masuuliyiin sarsare oo dawladda Somaliland ka tirsani maal-geliyaan, kuwaasoo kooxda laga badiyo Ciyaarta Kubbaddu ay la-dagaallamayaan kooxda ka bidisay, isla markaana ay xataa illaa Xafadohooda weerarro ku qaadaan iyaga oo ku hubaysan Baangayaal dhaadheer, Soodhadh, Toorriyo iyo Middiyo-ba, cidkasta oo ay arkaan ama la kulmaan-na waxay doonaan u geysta, wuxu sitana ka qaada, arrimahaas oo aanay illaa hadda Booliska Somaliland ee Caasimadda Hargeysa tallaabooyinkii ku habboonaa aanay ka qaadin ee haddii ay qaar ka mid ah Askartu qabtaanna Saldhigyada uun dib looga sii daayo intooda badan oo ay halkoodii hawsha dib uga bilaabaan.
Dhibaatadan la-deriska noqotay ee loo joogteeyey Xaafadaha Caasimadda Hargeysa iyo Dadweynaha magaalada ku dhaqan-ba oo aan habeenna baaqan ee habeen kasta Xaafad iyo Xaafadaba ka dhacday, waxaa ka mid ah Rabshad ay Dhalinyaro Koox ah oo Baangayaal, Budhadh iyo Middiyo ku hubaysani ku qaadeen Xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa, taasoo ay goobo ganacsi iyo dad shacab ahba ku dhibaateeyeen.
Haddaba, si aynu wax uga ogaanno qorshaha Xukuumadda Somaliland Hay’adeheeda amniga uga meel yaalla dhibaatadan dhalinyarada rabshad-walayaasha ahi ku hayaan qaybaha magaalada iyo siday uga war-hayaan aannu wax ka weydiinnay, kana waraysannay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay Wasaaraddiisa hoos-tagaan dhammaan Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka u qaabbilsan dalku.

Wasiirka oo ka jawaabayey sida ay uga hor-tegi karaan dhalinyaradan dhibaatada ku haysa Xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa ee Baangayaasha, Budhadhka iyo Baaskooladaha sita, waxa uu yidhi; “Waannu madhinaynaa, ka hor-tegi mayno ee waannu qabanaynaa, Jeelal baannu geynaynaa, dib baannu u dhaqan-celinaynaa markay 30 jir iyo 20 jir gaadhaan ee ay wax-garad noqdaan ee ay dadka la qabsan karaan ayaannu bulshada ku soo celinaynaa.”
Sidoo kale, Wasiir Waran-cadde mar uu ka jawaabayey inay jiraan Ciidammo gaar ah oo ka hor-taga dhalinyarada hubaysan ee Rabshadaha ka sameeya Caasimadda Hargeysa iyo waxay u samayn waayeen haddaanay ciidammo u gaar ahi jirin, waxa uu yidhi; “Haa way jiraan, oo ka hor-taggu waa laba arrimood, waa mide Waalidka waannu la hadalnay oo ‘Carruurtiinna qabsada baannu ku dhini, Dhalinyaradana waannu la hadalnay oo waxaannu nidhi; ‘Carruur wanaagsan oo waddaniyiiin ah oo lagu tabcay oo waxbarata oo Madaxdii waddankan ah baad tihiin, mustaqbalkii berrito ayaad tihiin, ee joojiya waxan aad waddaan iyo rabshadahan, midi waa taas oo waa wacyigelin. Ta labaadna waxa weeye in Booliska iyo Annagu gacan ku qabanno oo qofka itaalkiisa tusno oo la qabto oo ummadda ka qabanno oo dib loo dhaqan-celiyo hadday carruur yar-yar yihiin oo loo rabbeeyo.”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo la weydiiyey waxa uu kala socdo Rabshadda dhalinyaradu maanta (shalay) ka geysteen Xaafadda Koodbuur ee magaalada Hargeysa, wuxuu ku jawaabay; “Maya ee immika Berbera ayaan joogaa oo maanta waan ka maqnahay Hargeysa, laakiin way jiraan oo maalmo horeba way dhaceen rabshadahaas oo kale dhaceen way jiraan, illaa Afar Boqol oo Dhalinyaro ah baannu qabannay, wax alla wixii halkaa (Koodbuur) maanta (shalay) wax ka sameeyey iyo Waalidiintood-ba waa la raadinayaa. Markaa, macaal Waalidiintooda waa la soo qaban doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, gacan bir ah inaannu wax kaga qabanno cidda dhibaatooyinkaas samaynaysa ayaa naga go’an.”

“Immika waxaannu samayn doonnaa in Habeenkii la diiwaangeliyo, Kooxo weeye, waa la yaqaannaa, maalintiina iyagoo Xaafadohooda jooga laga soo qab-qabto, Xabsiyo fog-fogna la geeyo si loogu soo dhaqan-celiyo. Kolkaa waxaan leeyahay Waalidiinta intaanay intaas oo dhami dhicin ilaashada Ciyaalkiinna oo ogaada Carruurtiinnu halka ay ku sugan yihiin iyo dhibta ay samaynayaan.” Sidaa ayuu yidhi Duqa Caasimaddu ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Hargeysa.
Maayerku mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko in dhalinyaradaasi ay gaadheen inay hadhka cad maalintii rabshado ka sameeyaan magaalada dhexdeeda oo ay wadhafyo isku shiidaan, waxaanu yidhi; “Runtii arrintaasi ma badna oo marmar uun bay dhacdaa. Laakiin, ta badani waa habeenkii inay Wadhafyo iyo Faashash qaataan, inay Xaafadiba Xaafad ku duusho, inay Dukaammada, Meheradaha Ganacsi iyo cid allaala ciddii socotay-ba gacanta ula tagaan oo ay baadhaan. Way jirtaa arrinta ah inay Habeenkii goobaha mad-madoow dadka ku baadhaan, arrintaa Boolisku aad buu uga hawlgalay oo wuu la tacaalayaa intaas, qaar badanna waa la soo qabtay.”
Duqa Caasimadda oo ka jawaabayey waxa ay qorshe Gole Deegaan ahaan hayaan ee ay ugu talo-galeen inay dhibaatada ay bulshada ku hayaan dhalinyarada rabshad-wadayaasha ahi, waxa uu yidhi; “Waxaannu samaynaynaa in Degmooyinka Xaafad Xaafad loo kala jebiyo, Xaafad walba Odayaasheeda iyo Guddiga Nabadgelyadu ka qayb-qaataan, dabadeedna Xaafad walba inta Rabshad-wadayaasha ah Liiskooda loo dhiibo Ciidanka Ammaanka si maalintii loo qabqabto, waanan wadnaa arrintaa qorshihii aannu ku hirgelinaynay.”
Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco, waxa uu dhalinyarada Rabshad-wadayaasha ah ugu baaqay inay dhibaatada ka joojiyaan magaalada iyo laftohooda, isla markaana ogaadaan inaanay waxba u taraynin nabarro ay iyagu is-gaadhsiiyaan iyo mid ay dadka shacabka ah u geystaan iyo waxay xadaan iyo qof ay baadhaan toona, balse loo baahan yahay inay ka fikiraan sidii ay waxbarashadooda heer uga gaadhi lahaayeen, shaqooyin u heli lahaayeen ee ay mustaqbalkooda u dhisi lahaayeen. Sidoo kale, Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay Ubadkooda edabtooda hagaajiyaan, lana socdaan waxa ay Carruurtoodu samaynayaan iyo halka ay kaga maqan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isagana aannu isku daynay inaannu arrintan dhinaciisa wax ka weydiinno, ayaanay noo suurtagelin xalay. Hase-yeeshee, marar hore oo uu ka hadlay Taliyuhu waxa uu sheegay inay wax ka qabanayaan dhalinyarada rabshadaha sida koox-kooxda ah uga sameeya qaybaha kala duwan ee Caasimadda, hase-yeeshee, illaa hadda si rasmi ah looguma guulaysan inay joogsadaan rabshadaha iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan dhalinyaradaasi, waxaanay u muuqdaan rabshadahaasi kuwo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya oo ku sii baaha qaybaha magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment