Tuesday, December 23, 2014

“Anigu waxaan qabaa haddii Turkiga lagu noqdo inaanay arintaasi qabyo baxayn oo aan la dhamayn karayn, haddaan la iskugu tagin…..”Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa:Dec,23,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay jawiga wada-hadalladii somaliland iyo Somalia wada Lahaayeen iyo Meesha ugu haboon ee lagu qaban karo.

MuuseGudoomiye Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, uu yahay Shakhsiga dhaqan ahaan,  Ehel ahaan,aff ahaan iyo Xogogaal ahaanba ugu dhaw inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia.

Guddoomiye Muuse oo maanta Saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Turkigu aanu arrimaha Somaliland wax badan ka ogayn,“Inta aan Ogahay Turkigu Qaddiyadda Somaliland iyo Somalia u dhexaysa Turkigu Xogogaal uma aha, waxaanan ku Ogaaday, Shir Turkiga lagu qabtay oo aan goob joog ka ahaa, oo aniga Cirro,Faysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo aanu wada  joognay, Ra’isal wasaarihii wakhtigaas ee Turkiga(Erdogan) oo hadda Madaxweyne ahi, wuxuu ahaa Nin dhinac qudha(Somalia) sheekadooda haya oo garta dhinac qudha uun dhegaysta oo aan war u hayn waxa la isku hayo” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gudoomiyaha Kulmiye oo ka sii hadlaya arintaasi waxa uu sheegay in Maalintaas Madaxweyne Siilaanyo si adag ula gar naqsaday islamarkaana uu Erdogan waxbadan dareemay “Markaa arintan cidda qudha ee ugu xogogaal sani waa cida ugu dhaw oo Jabuuti kaw ka tahay, oo IGAD ku xigto ayuun baa arintaas qaadi karta, waxa kale oo labo ah oo arintaas qaadi kara Dawladdaha Yurub ama Gumaysigii ha ahateen ama waddamada kale ee Caalamka Xogogaalka u ahiba way uga xogogaalsan yihiin Turkiga” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu rajo la’aan ka muujiyay in Turkiga dib loogu celiyo wada hadalada labada dal “Anigu waxaan qabaa haddii Turkiga lagu noqdo inaanay arintaasi qabyo baxayn oo aan la dhamayn karayn, haddaan la iskugu tagin oo aan Yurub iyo IGAD ba ka qayb galin, markaa waxaan qabaa in halkaa imika la keenay ee Jabuuti ay ahayd meesha ugu haboon, ismaaciil CUmar Geele na waxaan ku dhiiri galinayaa inaanu gacmaha kala bixin”

Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya iyadoo Somalia iyo Somaliland ku heshiiyeen in horraanta sanadkan labada dal ku kulmaan Dalka Turkiga.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment