Sunday, December 21, 2014

Guddiga Daba-galka G/Wakiillada oo Soo saaray Warbixin ay ku Shaaciyeen Musuq iyo Maamul-xumo Hay’adaha dawladda qaarkood Ragaadiyey

Hargeysa, 21 Dec, 2014-(Himilo)- Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland u qaabbilsan Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa shalay Golaha soo hor-keenay Warbixin dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana ka shiftay Hay’adaha dawladda qaarkood oo ay sheegeen inay ku ogaadeen baadhis ay muddo Guddigu wadday in Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo Hay’adaha dawladda qaarkood hadheeyeen, iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka.

Guddigu waxay sheegeen inay muddo baadhis ku wadeen hannaanka ay Hay’adaha kala duwan ee dawladda gaar ahaan Hanti-dhawrka guud u shaqeeyaan iyo sida ay uga hawl-gasho ilaalinta Hantida Qaranka, siiba Xisaab-xidhyada iyo baadhista meelaha Musuqmaasuq ka dhaco, ayaa sheegtay inaan Hay’addani gebi ahaanba gudannin hawlihii ay Qaranka ugu xilsaarnayd, isla markaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay’adda oo ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud.

XILDHIBAAN MAXAMED CALI XIRSISidoo kalena, Madaxda Hantidhawrku ay la shaqayn wayday Guddigan Wakiillada oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigaan Xisaab-xidhada Miisaaniyadaha Qaranka iyo Meelaha Hanti-dhawrku u galay arrimo Musuqmaasuq, sida ay uga hawlgalaan baadhis musuq iyo waxa uu ku gabo-gabeeyay.

Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa Mudanayaasha Wakiillada ka hor-akhiriyey War-bixinta ay Guddi ahaan soo saareen, taasoo Qoraakeeda ay Guddigu sharraxaad kaga bixisay sida ay Madaxda Hanti-dhawrka guud uga dhego-adaygeen Guddigan baadhista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in Hantida Qaranka la ilaaliyay lana raacay Shuruucda u degsan dalka, waxaanu Warbixintaas Guddiga ee Guddoomiyuhu akhriyey u qornayd sidan:- “Tusaale, Guddigu waxay Hanti-dhawraha la qaadatay kulammo aad u faro-badan labadii sano ee ugu danbeeyey.

Waxaanay qoraallo faro-badan u qortay Xafiiska Hanti-dhawraha kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwan sumadoodu ay hoos ku qoran yihiin:-

  1. GW/G/01/57/2012

  2. GW/G/01/73/2012

  3. GW/G/01/98/2013

  4. GW/G/01/20/2013

  5. GW/G/01/10/2014

  6. GW/G/01/24/2014

  7. GW/G/01/194/201


Dhammaan Waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanaynay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:-

  1. U soo gudbinta Guddida Warbiximaha Sannadlaha ah. (Annual Report)

  2. Warbixinaha Hay’adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda

  3. Warbixin xisaabeedka hay’adda lafteeda iyo hantideeda Guurtada ah iyo Maguurtada ah.


Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu weydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddiga ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan ka badnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 Wiig.

Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wada-shaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaadda Hanti-dhawraha Qaranka, Dhammaan ballan-qaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.

Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno.

Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday in:- 1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadashaqayneed ee Hay’adda. 2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe.

  1. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. 4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo. 5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.


Talo soo jeedinta Guddiga:- Guddida ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobbadan hoos ku xusan:-

  1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka. 2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL. 3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay.”


Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee isugu jira Muxaafadka iyo Mucaaradka ayaa warbixintan si diirran u soo dhaweeyay ugana mahad-naqay Guddiga, iyagoo qaarkood soo jeediyeen in Go’aan Gole weyne laga soo saaro waxyaabaha Musuqmaasuqa ah ee Warbixintu muujinayso.

Warbixintan oo toddobaadkii hore qorshuhu ahaa in Golaha ay Guddigu u soo gudbiyaan, ayaan suuragelin, ka dib markii ay Xildhibaannada Mucaaradka iyo Muxaafidku isku qabteen in qaybinta Warbixintan laga horreysiiyo ansixinta Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo Golaha hor-taallay, isla markaana waxa markii dambe suuragashay in Mudanayaasha Aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Muxaafidka ahi ku guuleysteen qorshohooda ahaa ansixinta Miisaaniyadda, dibna loo dhigay qaybinta Warbixintan Sabtidii shalay la horkeenay Golaha.

No comments:

Post a Comment