Hargeysa, 14 Dec, 2014-(Himilo):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay inay tallaabo la xisaabtan ah ka qaadi doonaan Shirkadaha Kaalmaha Shidaalka iibiyaa haddii ay qiimaha ay ku iibiyaan Shidaalka jebin waayaan, maaddaama oo ay Shirkadaha dibedda ka soo dhoofiya oo ay ka mid tahay Hass Petroleum hoos u dhigeen Sicirkiisa.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo hadal ka jeediyey Munaasibad ay Shirkadda Shidaalka ee Hass Petroleum shalay ku qabatay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo bandhigtay Saliido cusub iyo xaydho loogu talo-galay daryelka iyo duxaynta qaybaha Baabuurta iyo Ijiinnada Wershadaha kala duwan oo uu ka qaybgalay Wasiir Qaasim.Waxa uu Wasiirka Ganacsigu Shirkaddaas ku ammaanay sida uu sheegay qiimo-dhimis dhinaca sicirka Shidaalka ah oo ay samaysay, isagoo Kaalmaha Shidaalka iibiya u soo jeediyey inay bulshada ka jebiyaan sicirka ay shidaalka kaga iibiyaan, haddii kale ay kala xisaabtami doonaan. “Ka Xukuumad ahaan waxaannu soo dhawaynaynaa qiimo dhimista ay Shirkadda Hass ku samaysay Shidaalkii ay innoo keenaysay.” ayuu yidhi Wasiir Qaasim.
“Shirkadaha Kaalmaha Shidkaalka waxaa looga baahanyay inay Shidaalka Shacabka u jebiyaan qiimihiisa, maaddaama oo iyagiiba loo jebiyey, hadday sidaa yeeli waayaanna, waannu kula xisaabtami doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Muuse Qaasim.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment