Sunday, December 21, 2014

Laba Kamid ah Ciidanka Booliska Maraykanka Oo Nin Hubaysani Qudha Ka Jaray

New York:Dec,21,2014(Himilo)-Nin Hubaysan, aya saaka aroortii hore Badhtamaha Magaalada New York ee carriga Maraykanka, waxa uu ku toogtay Laba Boolis ah oo shaqadoodii ku jirey ka hor intii aanu isagu naftiisa toogan.

jagLabada Sarkaal la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Liu Wenjin iyo Raphael Ramos, waxaana la dilay xilli ay roondeynayeen

Ninkan Hubeysan ayaa markii uu toogtay labada askari, ku cararay wado dhulka hoostiisa, wuuna is dilay, Booliska ayaa ka helay bastooladii uu wax ku dilay meel aan ka fogeyn halka uu isku dilay.

Madaxa Booliska New York ayaa sheegay in labada askari loo badhtilmaameedsaday dharka ciidanka ee ay siteen, iyadoo markii ugu dambeysay ee askari lagu dilo New York ay aheyd sanadkii 2011.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay halka dilka ka dhacay, waxaana magaalada New York heegan la geliyay dhamaan laamaha ammaanka, maadaama dhacdadan dilka ay qal qal keentay.

Ninkan dilka geystay ayaa goor sii horeysay dhaawacay gabadh uu hore saaxibo uu ula ahaa, waxaana mid ka mid ah bartiisa bulshada uu soo dhigay fariin ka dhan ah Booliska.

Toogashadan ayaa imaneysa iyadoo askarta New York aad isha loogu hayo farsamooyiinka ay isticmaalaan, kadib markii horaantii bishan uu askari xuurto ku dilay wiil madow ahaa oo lagu magacaabayay Eric Garner.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment