Hargeysa (Himilo)-Abwaan da-yar oo la yidhaa Cabdixakiim Yuusuf Cali ayaa maanso baroordiiq ah oo uu curiyey 29/12/14 ka tiriyey geerida ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee.
Abwaanka oo ka hadlaya sida ay maansadani ku timid ayaa waxa uu yidhi:- “Gabaygani waxa uu igu dhashay ka dib markii aan maqlay geeridda ku timid xoghayihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Waxaanay naftaydu igu dhalisay inaan wax ka yidhaahdo u dagaalanka xoriyatul qawlka iyo difaaca saxaafadda madaxbanaan oo uu had iyo jeer heeganka u ahaa”.
Waxaanay ku bilaabantay:
• Inaan geeri iyo mowd
• Maxkumiin u nahayoo
• Mahuraanka aakhiro
• Ruuxba maalin tagayoo
• Macno lahayn adduunyadu
• Waa mid aynu idilkeen
• Muran li’i ogsoonahay
• Hayeeshee midbaa daran
• Maqalkiyo warkeeduna
• Magli kaaga daran yahay
• Ruuxba waa muggiisiyo
• Magacuu lahaayee
• Saamaynta mahadhadu
• Tani weeye maantee
• Nagu kadisay murugada
• Siduu yidhi macbuudkeen
• Samir baa muhiimoo
• Xaqu waa madhaafaan
• Muuminkana ku waajiba
• Marxuumkana illaah baan
• Naxariis mug weyn iyo
• Maqfir uga baryeynaa
• Maamuus iyo karaamiyo
• Meeqaam sarreeyuu
• Kamudnaa dalkiisoo
• Milaygay ahaataba
• Sooyaalku waa marag
• Aan la maydhi karinoo
• Midhihii uu beeriyo
• Dhaxalkiisa muuqdaa
• Lagu Milicsan doonaa
• Dal muraayaddiisiyo
• Mihnad qaran ku faanaa
• Waa miidiyaha’ee
• Halkay maanta joogtee
• Caalamkuna ka marag kacay
• Raggii soo mudh bixiyee
• Mijaha ay ku socotiyo
• Midigta u ahaabaa
• Maxamed-rashiid lagu xasuustaa
• Qalin aan marooriyo
• Marin habow aqoonoo
• Runtu tahay maciisaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Maamul iyo hogaaniyo
• Mayal iyo aftahannimo
• Margashada aqoonbaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Geesi aan mildhaabinoo
• Ka maagayn xaqiiqdoo
• Meeshii tabaysaba
• Qalin ugu miciinaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Muwaadin xaqiiqoo
• Noloshiisa muddo dheer
• Ku macsuumay qarankoo
• Guusha mahadin jiraybaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Miisaan caddaaliyoo
• Magac iyo qabiiliyo
• Marna eex aqoonoo
• Usinnaa mujtamacaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Marinkii rasuulkiyo (SCW)
• Addoon diinta maaloo
• Martabeeya khayrkoo
• Muujiya samaantaa
• Maxamed lagu xasuustaa
• Muggii uu lahaa iyo
• Maanso kaalintiisii
• Marna koobi maysoo
• Hadal waa mid iyo laba
• Hadaad socotay maantoo
• Rashiidow min aakhiro
• Kaa yeelay mawluhu
• Ducaan maca salaamee
• Magan kaaga dhigayaa
• Marka iilka lagu dhigo
• Mawleheen su’aashiyo
• Macnaheeda kuu sahal
• Marinada jannada iyo
• Lagu mari dariiqii
• Ahlu muuminiintoo
• Inta meel lajoogtee
• Maxamedow rasuulkii (SCW)
• Madashiisa lagu simay
• Kamid noqo insha allaah
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment