Wednesday, December 17, 2014

Madasha Wada-tashiga Iyo Axsaabta Mucaaridka Somaliland Oo Ka Hadlay Xiisadda Kasoo Cusboonaatay Gobolka Awdal

Hargeysa:Dec,17,2014(Himilo)-Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaraka Somaliland oo ay weheliyaan Axsaabta Mucaaridka ahi, ayaa si wada jir ah uga Hadlay Xiisadda kasoo cusboonaatay Gobolka Awdal, waxana ay xukuumadda Talada dalka haysa ugu baaqeen inay si hufan uga Hawlgasho dejinta xaaladda haatan halkaas ka taagan.

dhoocDhinacyadan oo sida la wada ogsoon yahay qaba aragti ka duwan mudda xukuumadda, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta wada Qabteen ku sheegay in xukuumadda looga Baahan yahay inay cabudhinta ka dayso reer Awdal, iyagoo sidoo kalena Suldaanka Fallaagoobay usoo jeediyey inuu dalkiisa iyo dadkiisaba u tudho.

Musharax ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ugu horayn sheegay inay taabacsan yihiin Baaqa Hogaanka dhaqanka ee Awdal “Waxanu Taageersanahay Baaqii ka soo baxay Golaha dhaqanka ee Awdal kaasi oo ahaa in ay nabbad ku xalindoonan Xaaladda Gobolka Awdal. runtii waa arrin wanaagsan oo aanu ku faraxsan nahay in hawshaasi la wareegaan Odeyaasha Gobolku, waxanu leenahay Xukumadu hawdayso Salaadiintaasi”

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ugu baaqay Suldaan Wabar inuu qaato Wada hadalka ay Salaadiintu ula tagtay, isagoo xukumaddana ugu baaqay inay Salaadiinta u dayso dejinta Awdal,kana dayso wixii docwareemi kara wada hadalka.

“Waxa aan Cambaareynayaa Falalka Wasiiradu ka waddaan Awdal taasi oo dhib keeni karta iyagoo dadkii Xidh-xidhaya, xadhiguna waxa uu abuura uun Xanaf iyo Xuman basle wanaag ma dhalo, Ciidankuna xeryahooda ha joogan, Suldaankuna wax Duulan ah oo uu soo wadda ma jirto, waxa kale oo aan soo jeedinayaa in Sharciga la dhawro oo aan la xidh-xidhin Xildhibaanada Xasaanadda Huwan, iyaga oo aan wax danbi ah gacmaha la gallin.”Ayuu sheegay Cabdirashiid Xassan Mataan.

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa isna halkaasi ka hadlay “Waxanu Xukumadda Somaliland ugu baaqaynaa in Arrimaha Awdal Xal nabbadgelyo ah lagu dhameeyo, oo ay dadkana ka dayso cabudhinta iyo dhibta ay ku hayso, isla markaan Tabashada Reer Boramana xal degdeg ah ka gaadho, Suldaan Wabar waxaanu leenahay Dalkaga ku soo noqo, Xukumaduna wixii uu tabanyo ha ka qanciso, xalna hawshaasi ha laga gaadho, Arrinta Cabashada reer Boorama in ay Cawdaan xaqbay u leeyihiin, dawladuna marka cabasho loo soo gudbiyo in ay wax ka qabato xaqbaa loogu leeyahay” ayuu yidhi Mr Uurcadde.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo u hadlay Madasha wadatashiga ayaa isna ku dheeraaday taariikhda Bulshada Reer Awdal ku leedahay Somaliland “Boorama Taariikh bay ku leedahay Somaliland, marka laga soo bilaabo Barigii hawd iyo Reseef eeriya la bixiyey, gurmadkii ugu horeyey iyagaa Sameeyey, heshiiskii Degmada Sheekh qayb libaax ayey ka qaateen, Maalintii dhawayd ee qaska layna dhex dhigay sidday Somaliland Xildhibaanada Awdal u badbaadiyeen waad ogeydeen, markaa markaynu leenahay Awdal waxaynu isku qaadaynaa wixi oo dhan waayo hawl ku kooban qof iyo Labba in Gobolkii oo dhan nidhaahno dhibaa ka jirta ma ah, waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa baaqii ka soo baxay odayasha Reer awdal ee ay yidhaahden wixii dhib jirta anaga xalinayna, ciidamada waxanu soo jeedinaynaa in xeryahooda lagu celiyo”

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment