“Maamullada Ku-meel-gaadhka ah ee dalka ka jira Jubbaland way ka mid tahay, waa Maamul meel-ku-gaadh ah, maaddaama heshiiskii Jubbaland lagu aasaasay uu ahaa heshiis dawladda iyo Maamulka ay wada-galeen, maanta marxaladihii hore waa ka soo gudbay, sidaas daraaddeed magacii hoggaamiyaha ee aan heshiiska ku wada-galnay waa la beddelay, waxaana loogu yeedhayaa wixii hadda ka dambeeya Madaxweyne.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Sidoo kale, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in wixii ka dhiman Maamulka Jubbaland la dhammeystiri doono, isla markaana wixii ka dhiman ay wada-tashi ku jiraan, kuna ballameen Masuuliyiinta Maamulka Jubba iyo dawladda Federaalku dhammeystirkiisa.
Hadalkan Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in Axmed-Madoobe loogu yeedho wixii hadda ka dambeeya Madaxweyne oo aan Hoggaamiye loogu yeedhi karin, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku dhawaqo, iyada oo aan la ogeyn qaabka Xubnaha kale ee dawladdu ay u fasiran doonaan. Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Meel-ku-gaadhka ah ee Jubbaland, ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dhammaadka sannadkii hore 2013.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment