
Waxaa Filimkaas meelkadhac ku tilmaantey Kuuriyada Waqooyi, waxaana weerar lagu qaadey Kumbuyuutarada shirkadda Sony Pictures oo lagala baxay dhamaan macluumaadkii ku jirey, filmaan aan weli soo bixin iyo qoraalo kale oo xasaasi ah, Waxaana Hackers-ku ku hanjabeen in ay daabacayaan dhamaan waxay la baxeen haddaan la joojin Filimkaas.
“Suurtagal ma aha in aan ahaano bulsho keligii teliye go’aankiisa ugu hoggaansamaya Maraykanka dhexdiisa” ayuu yidhi Obama, isaga oo shir saxaafadeed ku qabtey Aqalka Cad gelinkii danbe ee Jimacaha.
Obama ayaa sheegey in Sony laga doonaayey ka hor inta aanay go’aanka qaadan in ay isaga shakhsi ahaan kala hadlaan arintan, isaga oo ay wejigabax ku noqotey in go’aanka keligii taliyaha Kuuriyada Waqooyi uu ka sameeyo Maraykanka dhexdiisa.
Obama ayaa ballan qaadey in ay ka jawaabayaan weerarka Kunbuyuutarada ah ee Kuuriyada Waqooyi soo qaadey isla markaana difaacayaan danaha ganacsiga madaxa banaan.
FBI-da Maraykanka ayaa la wareegtey baadhitaan lagu samaynaayo sida ay wax u dhaceen, waxaana ay shegeen in Hackers-ku ay heleen furaha Kumbuyuutarada shirkadda Sony iyo dhamaan dhisamaha ay degan tahay, waxaana hadda socda sidii looga hortegi lahaa werar kale oo dhanka Teknoolajiyadda ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment