Thursday, December 18, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Madaxda Reer Qatar ugu Hambalyeeyey Maalinta Xorriyadooda

Hargeysa:Dec,18,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxame Maxamuud(siilaany), ayaa Dhambaal hambalyo ah u diray Shacabka Reer Qatar oo maanta u dabaaldegaya Maalinta Xorriyadooda.

aberMadaxweynuhu isagoo ku Hadlaya Magaciisa iyo midka Shacabka reer Somaliland, waxa uu Hambalyo qiimo badan u diray Shacabweynaha Reer Qatar oo   maanta xorriyadooda u dabaagdegaya.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlada Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment