Monday, December 15, 2014

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo Iska Fogeeyey Musuq-maasuq lagu eedeeyey

Hargeysa, 16 Dec, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa iska fogeysay isla markaaan beeniyey warar masuuliyiinta wasaaraddaas ku xidhiidhiyey musuq-maasuq lagu leexsaday lacago gunno ah oo loogu talo-galay shahaale ka tirsan wasaaraddaas.
caafimadkaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Cismaan Xuseen Warsame, ayaa sheegay in aanay jirin wax lacag shaqaalaha wasaaraddiisu leeyihiin oo ay musuqeen, isagoo ku dooday inay wasaarad ahaan ku dadaalayaan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha shaqaalaha caafimaadka oo uu sheegay inay heegaan ugu jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada, isla markaana ay u raadiyaan gunnooyin lagu kabo mushaharka dawladdu siiso.
Agaasimaha Guud oo warhaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay wasaaradda iyo hay’adaha bixiya kharashaadka lagu taageero caafimaadka ay leeyihiin qorshe cad oo lagu maamulo lacagaha, sidaasi darteedna aanay suurtogal ahayn in la lunsado ama cidi musuqmaasuq kula kacdo, gunnada lagu eedaynayo inay lunsadeenna la mid tahay lacagaha kale ee hay’aduhu ku kabaan gunnada shaqaalaha waaxyaha wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay inay tiradoodu tahay 46 qof.
“Gunadani kama duwana kuwa kale aan idiin soo sheegay, dadka ka shaqaynaya HIV-ga gaar bay u leeyihiin, kuwa malaariyada gaar bay u qaataan, TB-du gaar bay u qaataan, wax habayaraatee ay kaga duwan tahay ma jirto, nidaamka loo raacayeyna cid walba way garanaysaa ee maaha wax maanta aynu isku sharraxayno, waxa weeye wax ay hay’ado ka soo shaqeeyeen, maaha wax la lunsan karayo, waa shaqaale la siiyey gunno yar oo loogu talogalay in lagu kabo mushaharkooda.
Runtii waxaannu jecelnahay in aannu caddayno in aanay hadalladaa mala’awaalka ee been-abuurka ah waxba ka jirin, annaguna aannu had iyo jeer ilaalino shaqaalaha xuquudooda. Markaa waa gunno loo dhigay si cilmiyeeysan oo dhakhaatiirtii iyo dadkii u qalmayba la siiyey,” ayuu yidhi Dr. Cismaan Xuseen.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in gunnadani ka mid tahay qorshe ka kooban lix qodob oo caafimaadka ah oo ay isla qaateen wasaraadda iyo hay’adaha kala shaqeeya caafimaadka oo ay ka mid yihiin WHO iyo UNICEF, si loo xoojiyo maamulka iyo maaraynta goobaha caafimaadka, loona soo saaro dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal adeegyada caafimaadka ah oo aqoontoodu sarrayso, si ay u helaan dhiirri-gelin ay waajibaadkooda si habsami ah ugu gutaan. “Arrinkaa la leeyahay Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa dadkii ay doonayeen ku qortay liiska oo dadkii kale ka reebay, waxaan idiin sheegayaa inuu yahay been qayaxan oo sal iyo raadtoona lahayn, lana doonayo in qiiq lagu qarinayo horumarka ay wasaaraddu gaadhay. Runtiina dad dano gaar ah leh ayaa beenta faafinaya, ciddii dood ka qabta dadka shaqaalaha 46 qof ee liiska ku jirana waa inay noo yimaadaan annagaa ka qancinayna, hay’adaha iyo dawladaha dhaqaalaha bixiyey ayaa ka qancin doona,” ayuu yidhi Dr. Cismaan Xuseen Warsame.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment