Saturday, December 13, 2014

Maxay Gudbinayaan Fillimada Musasalka ahi?-Qalinkii: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Mahad Alle SWT ka dib, waxa inagu soo baddanaya daawashada fillimada anshax xumada faafiya ee ka socda muuqaal baahiyaasha afka Soomaaliga ku baxa qaybo ka mid ah. Waxa ay gudbiyaan hal fikir, oo idil ahaantood siyaabo kala gedisan usoo bandhigaan. Gebi ahaantood kama baxaan guriga lagu dhigayo fillimka. Taas macnaheedu waa inay usoo shaqa tageen inay kala kaxeeyaan guri dhisnaa, kala dilaan eheladii, faafiyaan dhaqano aynaan aqoon. Wax iska caadi inoogu dhigaan dhaqan xumo diin iyo dhaqan aynaan u lahayn.
Inta baddan waxa inagaga aafaysan haweenkii oo ku ibtilaysan, waayo hore iyaga oo aan af garanayn ayey haddana dawaan jireen, wakhtigana af-soomaali ayaaba laga dhigay oo rag baa ku mushahar qaata.
Illaahay SWT markuu ka hadlayey shaydaanka iyo shaqadiisa wuxuu yidhi “waxa ay dadka barayeen (shayaadiintu) wixii lagu kala kaxayn lahaa ninka iyo xaaskiisa”. Hadda waxa shaqada qabta shaydaanka guriga inoo yaal ee aynu soo iibsanay.
Inta baddan waxa ay gudbinayaan waa gabadh xaas ah oo nin kale la sinaysanaysa, qaar maxaariim isku ah oo wax iska doonaya. Dad guri wada jooga oo iska dhamaan la’. Taas oo mujinaysa ehelkii in shaki iyo tushuush laysku dhex gelinayo. Layskana dhaadhicinayo in wax iska caadi ah oo dhaca ay yihiin.
Rasuulku CSW wuxuu yidhi “idilkiin masuul ayaad tihiin..... qof walbana wixii la raaciyey ayaa la weydin doona”. Waakaa si cad laynoogu sheegay, ee waxa guryaheena ka socda yaa ka masuul ah.
Illaahay SWT wuxuu yidhi “ku dhe haweenka iimaanka laga helay laaba indhihiina”. In aad xaaraanta ka fogaata waa astaan iimaanka muujinaysa, balse ka wax walba ku kacayaa waa mid aan iimaan lahayn.
Rasuulku CSW haweenkii soo Islaamayey wuxuu kula caytamayey in ay guryahooda xifdiyaan, taas macnaheedu waa in aanay khiyaamo ula iman ciddii aamintay ee ay wada joogeen.
Sidaa darteed cidda ku ibtilaysan daawashada filimadan khariban ee diinteena sida cad uga hor imanaysa in aynu ka dheeraano daawashadooda.
Rasuulku CSW wuxuu yidhi “aakhiro afar ayaa lays weydiin doona: waxa ka mid ahaa wakhtigaagi waxa aad ku soo qabatay”, ee walaashayeey ma filim ayaan daawanayey ayaad la hor tagi Illaahay SWT.
Ragga inoo soo waaridaya dhaqan xumadan waxa aan kula talin lahaa inay joojiyaan oo wax if iyo aakhiro u abaal dhaanta ku badalaan.
Illaahay SWT wuxuu yidhi “isku gargaara samaha iyo alle ka cabsiga, hana isku gargaarina dambiga iyo colaada”. Markaa walaal maxaad dadka usii baahinaysaa ee ay daawanayaan. Mida kale inta guri ku baabada, ama afkaartaa aad gudbinaysaan ku dhaqanta maalinta qiyaame yaa la weydiin doona oo la odhan doona adigaa soo waariday.
Waxa aan aad u xusuustaa aniga oo magaalada Burco ku socda habeen, in aan wakhti aanu ku qiyaasnay sagaalkii cawaysnimo ku yara hakanay tuullada ka sokaysa magaaladda, anaga oo maqaaxi shaah ka cabayna ayaa waxa ku soo xoomay xaawalay qaarkood ilmo xambaarsanaayeen, yaabnay oo weydiinay waxa dhacay, kuye fillimkii ayaa la gaadhay, haweenkanina way la socdaan. Waa sagaalkii cawaysnimo, banaan ayey usoo baxayaan, meesha ay usoo socdaan rag ajaanib ah ayaa kaga horeeya.
Maaha magaalo ee waa tuulo ayaan ku idhi meeshu, kuwii magaalada joogay maxaad u malayn?.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment