
“Waxay ila tahay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay gunta oo arrimaha laga soo bilaabo, aniga ilama aha in korka wax laga dhiso. Waxaa wanaagsan in laga soo dhiso xagga hoose iyo degmo-degmo, gobol gobol, dabadeedna heer qaran. Markaa anigu waxaan u arkaa inay sax tahay in Degaan ama degmo oo kale soo bilowdo kala xulidda.
Markaa haddii ay deegaan ahaan raggani (Guddiga Horumarinta Beesha) hawsha fara-galiyeen, qarankana way u shaqeeyeen oo waxbay soo ururiyeen, deegaan ahaanna waxbay u soo ururiyeen. Anigu waxaan ka mid aha raggii ay Odayaashu u yeedheen ee waliba yidhi wixii aad goysaan waan ogolahay, waxaana xaqiiqo ah haddii mid kale ay magacaabi lahaayeena aan ku raaci lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu baaq u jeediyey Wasiirrada maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, waxaanu yidhi, “Raggan kale (Samaale iyo Maxamed Biixi) waa rag aan aqoontooda, sharaftooda iyo kartidoodaba aan aad u qaddarinayo, waa rag u qalma waxaas iyo wax ka weyn, haddana haddii aqlabiyaddu meel isku raacdo, sida inoo caadada ah, waa laysku ixtiraamaa. Inta qudha ee anbiil aan u jeedinayaa waxa weeyi waa rag odayaal ah oo wax walba u qalma, ayaad ahaydeen, aqlabiyaddu hadday meel marto, heer kasta ha lahaatee, in laysku qaddariyo uunbaa wanaagsan.”
“Waxay ila tahay ninkii ka cadhoodana layaab ma laha. Shir kasta iyo arrin kasta oo la galo cid ayaa qoonsata, waa wax ay xaq u leeyihiin. Waa wax aanu walaaltinimo iyo wada-hadal ku sixi doonno oo aan dhibaato u keenayn dalka iyo deegaankaba,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment