Friday, December 26, 2014

Nashqad Cusub Oo Qoriga AK-47, ah Oo Lasoo Saaray Iyo Warwar Laga Qabo In Reer Afrika Markale Isku Xasuuqaan

Moscow:Dec,26,2014(Himilo)-Suuqyada Caalamka, gaar ahaan kuwa lagu iibiyo Hubka, ayaa waxa si weyn usoo galay Nashqad cusub oo kamid ah Hubka Qoriga Soomaalidu sida weyn u isticmaasho ee AK-47-ka loo yaqaano.

micieNashqaddan cusub ee Qorigan Halakeeyey Soomaali badan iyo dad kale oo Qaaradda Afrika u badan, ayaa ah Midabkiisu dahabi yahay, waxana soo kordhaya warwarka laga qabo inay Shacabka reer Afrika markale isku xasuuqaan.

Indhaha shirkadaha Hubka ka ganacsada, ayaa si aad ah ula dhacsan Nashqaddan cusub ee Qoriga AK47-ka loo sameeyey, waxana ay maanka ku hayaan inay macaash badan ka dheefi doonaan.

Jaraaidka Bild ee ka soo baxa dalka Germany ayaa soo bandhigay sawiro fara badan oo muujinaya naqshada cusub ee Qoriga AK 47 wuxuuna ciwaan uga dhigay in hubkan casriga ah looga cabsi qabo inay mar kale isku xasuuqaan shacabka ku nool qaar ka mid ah wadamada Qaarada Africa kuwaas oo Qorigan aad u xiiseeya waliba mar kasta ku dagaal gala.

Qaaradda Afrika ah meesha qorigani suuqa ugu weyn ku leeyahay, ayaa la filayaa inuu dhawaan soo geli doono, waxana meelaha ugu horreeya ee qorigan loogu talo galay kamid ah Soomaaliya oo Dagaallo sokeeya aafeeyeen, iyadoo Kooxaha Xagjirka ah ee Halkaas ka jiraanna si weyn ula socdaan Hubkan cusub ee Dunida kusoo kordhay.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment