Dadka lagu heysto makhaayada ayaa la arkayay, iyagoo gacmaha saaray daaqadaha, waxaana mid ka mid ah daaqadaha laga taagay calanka madow ee dhexda kaga qoran tahay towxiidka oo ay caanka ku yihiin kooxaha jihaad doonka.Ciidamada ammaanka ayaa xidhay qeybo badan oo magaalada Sydney ah, gaar ahaan halka lagu heysto dadka, waxayna arrintan keentay in Ra’iisul Wasaaraha Australia Tony Abott uu kulan deg deg ah isugu yeedho Laamaha ammaanka.
Ilaa iyo hada lama oga tirada rasmiga ee makhaayada dhexdeeda lagu heysto, hase yeeshee waxaa socda howl gallo ay ciidamada wadaan, kaasoo ay ku doonayaan sida suura galka ah inay ku soo furtaan dadka la heysto.
Tiro dad ah ayaa kasoo baxsaday Goobta ninkani dadka ku afduubay, waxana aan la hubin inay wada Xaajood kusoo baxeen iyo inay soo baxsadeen.
Dowladda Australia ayaa dhowaan ku biirtay dagaalka ka dhanka ah ISIS, waxaana la sheegay in kooxo jihaad doon ah oo ka tagay dalkaas ay ku biireen dowladda Islaamiga ee fadhigooda yahay Suuriya iyo Ciraaq.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment