Thursday, December 11, 2014

Shacabka Reer Nairobi Oo Kusoo Ururay Dameero Lagu Xardhay Qoraal Indhahooda Ku Cusub

Nairobi:Dec,11,2014(Himilo)-Shacabka Reer Kenya, ayaa saaka kusoo toosay Dameero tiro badan oo magaalada Nairobi ku dhaqan, kuwaas oo ay dushooda ku qoran tahay qoraallo lagu muujinayo in dadka ka niyadjabsan yihiin Xaalladda ammaan ee Dalkaas.

egeeQoraalkaas oo xili habeenimo ah si hoose loogu qoray korka sare ee Kooxo dameero ah, ayaa ahaa mid ku qoran afka Sawaaxiliga, kaas oo ahaa "Tumechoka" oo micnaheedu yahay "waan daalnay".

Ereygan ayaa halkudhig u ahaa dibedbaxyadii lagaga soo horjeeday ammaan darrada dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.

Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerrahaas, waxana ay geeyeen Goobo gaar ah, iyadoo intii dameerahaasi suuqa joogeen dadku si weyn ugu soo xoomay si ay arkaan qoraalkaas.

Tallaabadan qoraalkan, ayaa wali si fiican loo garanayn cidda ka dambaysa, waxase loo malaynayaa inay ka dambeeyaan qolyaha isbeddel doonka ah oo ay kaw ka yihiin axsaabta mucaaridka ahi.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment