Wednesday, December 10, 2014

Siciid Sulub oo Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya meeqaam Isku mid ah ka siiyey Daacadnimada Wada-hadallada labada waddan

“Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xukuumaddan ayaa bilowday, si indho-la’aan ahna oo aan meeqaamkii Somaliland ee gooni-isu-taagga ahayn bay ku bilowday,” Siciid Sulub
Hargeysa, 10 Dec, 2014 (Himilo)- Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, xukuumaddii hore ee UDUB-na xilal Wasiirro ah ka soo qabtay, ayaa ku dooday inaanay Xukuumadaha Soomaaliya iyo Somaliland daacad ka ahayn natiijo dhinac walba qancisa oo laga gaadho wada-hadallada u dhexeeya labada waddan, waxaanu ku taliyey in la joojiyo isla markaana dhinac kale looga wareego jihada wada-hadallada.
siciid-sulubSiciid Sulub Maxamed oo shalay war-fidiyeennada qaarkood kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sifo khaldan oo aan laga fiirsan u guda-gashay bilowgii wada-hadallada, haddii ay jiri lahayd natiijo laga gaadhi lahaana geeddi-socodkii wada-xaajoodka la marin-habaabiyey markii wada-hadallada lagu wareejiyey dawladda Turkiga, isaga oo ku dooday in wejigii ugu horeeyey wada-hadallada ee lagu qabtay magaalada London ay ugu dhowayd natiijo wax-ku-ool ah oo ka soo baxda dhowr shir oo masuuliyiin ka socday madaxda labada waddan isugu yimaaddeen.
“Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, xukuumaddan ayaa bilowday, si indho-la’aan ahna way ku bilowday, si aan meeqaamkii Somaliland ee gooni-isu-taagga ahayn bay ku bilowday. Haddii laga tagi waayo shirkii London lagu qabtay ee ugu horeeyey, waxa ka soo baxay lix qodob, lixdaas qodob wax ka dambeeyey oo arrin macne leh oo shirarkaas ka soo baxay ma jiro, waxaanu lumay wada-hadalku markii Turkiga la geeyey, Turkiga oo caddeeyey inaanu dhex ka ahayn arrinta oo uu midnimadii Soomaaliya raadinayo,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud waxa uu saluug ka muujiyey meeqaamka shir wasiirro xukuumadda ka tirsan todobaadkii hore dalka Turkiga kula yeesheen masuuliyiin ka socday Somaliya, kaas oo gogol-xaadh u ahaa shirka wada-hadallada labada waddan oo laysku af-gartay in laysugu yimaaddo badhtamaha bisha kowaad ee sannadka cusub.
“Wada-hadalkan layna leeyahay wasiirradeenbu way tageen, waxa laygu yidhi dhinaca kale wefti la meeqaam ah lagama soo dirin; laba nin oo midi yahay La-taliye Madaxweyne midina suuq-joog yahay oo aan xilba ku magacownayn ayay la kulmeen, wax alla waxay ku soo heshiiyeen oo arrin ahina ma jiro,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Wada-hadallada markii horena in si khaldan loo galay, maantana qadiyaddii Somaliland iyo wada-hadalkii aynu mowqifkeenna ku caddaysan lahayn, mid walba la la’yahay, Soomaaliyana ka caga-jiidayso, kana daacad ahayn, qoladeenina (Xukuumadda) aanay ka daacad ahayn oo ay wadaan waxaan la garanayn.”
Waxa uu Siciid Sulub ku dooday in xukuumaddu ku fashilan tahay natiijo la’aanta wada-hadallada, wakhtiganna loo baahan yahay jiho-siyaasadeed oo wada-xaajoodyada Soomaaliya looga wareego.
“Markaa, aniga taladaydu waxa weeyi, halkaas ay marayso in lagu dhaafo oo la joojiyo, riwaayad baanan u arkaa, Turkibaanu tagnay oo ka soo noqonnay wax qaran iyo umad lagu maaweeliyo maahee, taladaydu waxa weeyi, dawladdani iyaduna way ku ceebaysan tahay, Somaliland-na way ku ceebaysan tahee, dhinac kale ha looga wareego wada-hadallada,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment