Monday, December 29, 2014

Uganda Oo Muqdisho Ka Dhoofsatay Meydadka Askartii Kaga Dhimatay Weerarkii Xalane

Muqdisho:Dec,29,2014(Himilo)-Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka laga dhoofiyey tiro meydad ah oo kamid ahaa ciidanka Uganda ka jooga Somalia, kuwaas oo ku geeriyooday Weerar kooxda Al-shabaab khamiistii ku qaadeen xarunta AMISOM Ku leedahay magaalada Muqdisho.

meydaSaraakiishan maydadkooda la geeyay dalka Uganda ayaa la filayay inay dib ugu laabtaan magaalada Kampala gellinkii dambe ee Sabtidii aynu dhaafay si ay qoysaskooda oo xilli fog ay isugu dambeysay ay isku arkaan.

“Xubnahan ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii Somalia u joogay in ay la dagaalamaan Al-shabaab, wax qoomamo ahna kama muujinayno in la soo celiyo maydadkooda, waayo geesiyaal ayay ahaayeen,” ayuu hadal uu jeediyay ku yidhi taliyaha ciidamada lugta ee Uganda. Maj. David Muhoozi.

Maj. Muhoozi ayaa sheegay in saddex ka mid ah ciidamadooda oo uu ku jiro sarkaal sare lagu dilay weerarkaas, isagoo dhanka kalena xusay in la dilay shan ka mid ah xooggaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo saddex kalena nolosha lagu qabtay.

“Nasiib-darro saddex saaxiibbadeen ah oo uu ku jiro sarkaal ayaa lagu dilay weerarkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Maj. Mahoozi oo xusay in lagu aasi doono Kampala Isniinta maanta ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah askar-tooda lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xalane, balse waxaa ka hadashay iyaduna weerar-kaas Al-shabaab oo sheegtay inay ku dileen 14 ka mid ah ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Xoogagga weeraray xarunta AMISOM ay Muqdisho ku leedahay ayaa shaaciyay inay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay xaruntaas kana dagaalamayay muddo 24-saac ah.

Sarkaalka ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee lagu dilay weerarkaas ayaa lagu sheegay magaciisa, Col. Christopher Kaija, waxaana gabadh uu dhalay ay ku sheegtay barteeda Facebook-ga in warka ku saabsan dhimashada aabaheed uu ahaa mid murugo weyn ku reebay.

Ugu dambeyn, danjiraha Midowga Afrika ee Somalia, Maman S. Sidikou oo warbaahinta la hadlayay isla maalintaas ayaa sheegay inay ciidamadooda u tababari doonaan sidii ay uga hortegi lahaayeen weerarrada gaadmada ah ee ay Al-shabaab la beegsanayso saldhig-yadooda.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment