Thursday, December 11, 2014

“Waa wax adag in qofka xorriyaddiisii laga qaado, yeynaan ku deg-degin in qofka la xidho, aynu iska kaashanno in..”

“Waxaa hore u dhici jirtay in raggu ay haweenka Hangool ku jajabin jireen, laakiin maanta anigu waxaan qabaa in ay dumarku…” – Xuseen Axmed Caydiid

Hargeysa, 11 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta xuquuqda bani’aadamka iyo sidii looga hortagi lahaa ku-xad-gudubka loo geysto xuquuqaha Eebbe siiyey addoomihiisa.
xuseen axmed caydiidWasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Waxbashada Somaliland oo shalay ka qayb-galay munaasibad loo sameeyey Xuska maalinta Xuquuqda Aadamaha ee Adduunka oo sannadka dunida looga dabbaal-dego 10-ka bisha December oo Arbacadii shalay ku beegnay, waxa ay isku raaceen in ilaalinta xuquuqaha qofka bani’aadamku leeyahay ay muhiimad u leedahay nolosha bani’aadamka.
Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ayaa iftiimiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda qofka bani’aadamka ahi leeyahay, iyada oo tusaale u soo qaatay sida ay dareentay wakhti xorriyaddeeda laga qaaday muddo ku siman hal saac gudaheeda.
“Qur’aankeena ayaa Sheegay oo Ilaahay ayaa bani’aadamka karaameeyey, waa in aad wax lasta Oo Aad Qabaneyso Waa In Ay Ka Horaysaa Bani Aadam Tinmadu hadii aad dhakhtar tahay iyo haddii aad qof kale oo xil haya oo kursi ku fadhiya aad tahay, bani’aadam ayaynu nahay khaladaadku way badan yihiin dadku way khaldami karaan, mar kastana waa in aynu kitaabkeena Qur’aanka Kariimka ah aynu ku noqonaa. Waa wax adag in qofka xoriyaddiisii laga qaado yeynaan ku deg-degin in qofka la xidho, aynu iska kaashano in la furdaamiyo. Aniga baribaa hal saac lay xidhoo naftiibaa isku kay timi, markaa xoriyaddu waa muhiim ee aynu ilaalino,” ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa iftiimiyey sida ay wakhtigan isku beddeshay ee horumarka looga gaadhay ilaalinta xuquuqda bani’aadamka, isaga oo tusaale u soo qaatay heerka xuquuqda Haweenka Soomaalida ee xilliyadii hore iyo heerka ay taagan tahay wakhtigan.
“Xuquuqda Aadamigu marka hore waa Xad uu leeyahay qof waliba, haddii qof waliba doono in xaqiisa si aan xad laheyn ugu dhaqmana, wax suurtobaya ma aha. Waxaa hore u dhici jirtay in raggu ay haweenka Hangool ku jajabin jireen, laakiin maanta anigu waxaan qabaa in ay dumarku hangoolka la dhaceen.
Waxaan leeyahay Xuquuqda bani’aadamku aadamku waa mid muhiim ka ah nolosha bani’aadamka,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment