Waalidka iyo Ehelka Wiilka Dilka geystay oo lagu magacaabbo Axmed Aden, ayaa sheegay inuu wiilkoodu muddo qabay Xanuunka dhimirka, isla-markaana aanu ahayn qof miyir qaba.Hooyada dhashay Axmed Aden oo oo lagu Magacaabo Xaawo Cabdullahi kuna nool magaalada Minneapolis oo wareysi siisay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in wiilkeeda sanadkii 2012 laga helay cudurka dhimirka ee (schizophrenia).
Cudurka schizophrenia oo ah mid halis ah oo la kala dhaxlo ayaa qofka u ku dhaco maqlayaa codod aan jirin ama arkayo waxyaabo aan jirin, ayaa ah mid aan laga bogsoon balse qofka uu ku dhaco laga rabo inuu isticmaalo daawooyin si joogto ah.
Qofka cudurkan schizophrenia uu ku dhaco ayaa miyirkiisa caadi noqda marka uu qaato daawooyinka, hadii uu joojiyona dib ayuu ugu soo noqdaa, taasi ayaa keentay in Soomaalida qaarkood cudurkan u yaqaanaan JINNI.
Sanadkii 2011, Axmed Aden ayaa hore loogu xidhay magaalada Minneapolis kadib markii uu isku dayey inuu dab qabadsiiyo xarun uu hore uga shaqeyn jiray. Ninkan ayaa shaqadiisii hore laga eryey kadib markii laga shakiyey inuu waalan yahay.
Axmed ayaa isbitaalka la jiifiyey kadib markii lasoo qabtay xili uu weerar ku qaaday xarun kale isagoo sheegaya “…In illaahay usoo diray dadka halkaas joogay…”wuxuuna ku dhawaaqayey “…Nabad iyo Cadaalad…”
Maxkamada Minneapolis ayaa ku xukuntay in si khasab ah lagu siiyo daawada loo qoray isla markaana isbitaalka ayaa la jiifiyey.
Hooyada dhashay Axmed ayaa sheegtay inay dhowr mar damacday in wiilkeeda isbitaal lagu hayo, balse uu kasoo guuray magaalada Minneapolis isagoo aan cidna u sheegin, wuxuuna joojiyey daawooyinkii loo qoray.
Axmed hooyadii ayaa tacsi u dirtay qoyska wiilkii Cabdisamad Shiikh Xuseen oo ahaa 15 sano jir xaafidul quraan ah, wuxuuna Cabdisamad u dhintay dhaawacyo soo gaadhay kadib markii Axmed Aden uu gaadjigiisa jiidhsiiyey.
Axmed Aden ayaa markii hore sheegay in shilkan uu dhacay kadib markii uu xakameyn waayey gaadhigiisa, balse markii danbe u sheegay Booliiska in uu Cabdisamad u maleenayey qof ay hore u dagaalameen.
Baadhitaanka dilkan ayaa waxaa gacanta ku haya hay’ada danbi-baarista ee FBI, iyadoo la baadhayo inuu falkan salka ku hayo diin naceyb ama Islaam naceyb.
Axmed Aden ayaa la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay uu aflagaado iyo handadaad ku hayey Soomaalida tagta Masaajidka Kansas City isagoo gaadhigiisa kusoo qoray erayo Islaamka lidi ku ah.
Xaawo Cabdullahi oo ah Hooyada dhashay ninkan dilka loo heysto ayaa sheegtay inuu wiilkeeda uu yahay Muslim balse uu yahay nin miyirkiisu aan joogin oo u baahan daawo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment