Faadumo Siciid oo shalay ku soo laabtay Hargeysa, ayay Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo degtay, waxaanay sheegtay inay ka mid noqonayso WADDANI oo ay ku biirtay, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda Xisbigaasi u samayn doono Munaasibad soo dhawayn ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) iyo Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kuna hadlayey Afka Xisbiga, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Faadumo Siciid ku soo biirto WADDANI, iyagoo xusay inay si diirran oo gacmo-furan, qalbi furan iyo laab furan ah ugu soo dhaweynayaan inay ka mid noqoto Faadumo Siciid Xisbiga WADDANI.
Faadumo Siciid oo aan hore Siyaasadda ugu jirin, balse ka mid ahayd Haweenka Aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, isla markaana dhinaca Hay’adaha Sama-falka iyo Ururrada Waddaniga ah shaqadeedu u badnayn, ayaa siyaasadda ka soo gashay Xisbiga UCID oo ay ka mid noqotay sannadkii 2012-kii, iyadoo ka mid ahayd Garabkii New UCID ee uu hoggaaminayey Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo wakhtigaas ku biiray ama la midoobay Xisbiga UCID.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment