Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dawladda Mareykanka ayaa duqeymahas ku dilay saraakiil ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo billowgii bishii September 2014-tii lagu dilay gobolka Shabeellada Hoos.
Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo u warramay telefishanka Al-Jazeera, ayaa qiray hoggaamiyeyaal sar-sare oo lagaga dilay duqeymaas, waxase uu ku gooddiyey in dagaalkooda aanu u joogsan doonin duqeymaha oo ay sii wadi-doonaan dagaalladooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.“Duqeyn lagu dilo hoggaamiye ama sarkaal Al-shabaab ka tirsan waxba uma dhimayso dagaalka aan Somaliya ka wadno. Waan sii wadi doonaa dagaallada aan kaga soo horjeedno dawladda iyo ciidamada Midowga Afrika. Go’aankayagu waa inaan ku dhaqanka sharciga Islaamka ka hirgelinno Somaliya oo dhan,” ayuu afhayeenka guud ee Al-shabaab
Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray inay ku faanayaan in dagaalka ay wadaan ay ku baahiyeen gudaha Kenya. Isagoo xusay in weerarkii ay ku qaadeen xarunta AMISOM ee Muqdisho ay ku dileen tiro badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen rag uu sheegay inay ahaayeen basaasiin la shaqeeya dalalka reer Galbeedka, kuwaasoo uu sheegay inay gacan ka geysteen dilal loo geystay hoggaamiyeyaal sare oo Al-shabaab ka tirsan.
Saraakiishii ugu sarreysay Al-shabaab ee duqeymaha lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Xaashi Ceyrow, Salaax Al-Nebhan, Axmed Cabdi Godane iyo xubno kale, kuwaasoo lagu dilay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.
"Haddii Mareykanku uu duqeyn kuwada dilo dhammaan hoggaamiyaasha Xarakada Al-shabaab, waa sii socan doonnaa… hoggaamiye cusub ayaana imaan doono… dagaalkeenu kuma xidhna dhimashada qof iyo wax ka badan," ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere
Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuumadda Somalia iyo Mareykanku ay sheegeen inay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe toddobaadkii hore ku dileen madaxii sirdoonka Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Tahliil.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment