Hargeysa, 22 Jan, 2015 (Himilo)- Munasibad Lagu Caleemo Saraayay Caaqil Cusub Oo Ka mid noqon Doona Madax-dhaqmeedka Reer Somaliland, ayaa shalay Beesha Aabe-Yoonis ee reer Aw Maame ku caleemo-saareen magaalada Hargaysa.
[gallery columns="2" ids="14320,14319"]
Munaasibadan oo ay ka qayb-galeen, waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada Beesha iyo Madax-dhaqameed lagu marti-qaaday, waxaana hadallo guubaabo, hambalyo iyo soo-dhawayn ah ka jeediyey Madax-dhaqmeed iyo wax-garad kala geddisan oo soo dhaweeyay caleemo-saarka Caaqilka cusub.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka munaasibadda caleemo-saarka ka qayb-galay, kaas oo madasha ka jeediyey hadallo isugu jira dar-daaran iyo Duco. “Waxaa la yidhi nin xil qaaday eed qaad, Hawlo Fara Badan iyo Xilbalaadhan oo culus ayaa fuulay, sidaa awgeed waxaan leenahay ilahay xilka Caaqilka ha u Fudeeydiyo, runtii qof walba wajigiisa aya laga akhristaa waxa uu yahay, caaqilku waxa uu u muuqdaa mid aad iyo aad u dagan, nin dulqaad badan, nin wax garada nin aqoonyahana, nin walna wajigiisa ayaa laga akhristaa waxa uu yahay”ayuu yidhi caaqil Ibraahim Jaamac Samatar.
Suldaan Mawliid Cali Ibraahim oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hadallo dar-daaran iyo waano halkaas uga jeediyey Caaqilka Cusub ee beesha Aabe Yoonis ee reer Aw Maame oo uu isagu caleemo-saaray, waxaanu kula daardaarmay inaanu ku dhex-milmil siyaasadda.
“Reer Aabe waa reer taariikh leh, waa reerka siyaasigii ugu qaalisanaa ee Abtiga noo ahaa Cumar Carte Qaalib dhalay, waa dad mudan diin ahaan mudan, raas ahaan mudan dhaqan ahaan mudan, taas aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa, caaqilkana waxaan leeyahay habar wadaag, koley imika dhaqanku waa uu waayo badanyahay siyaasadna waa uu galay, horta qoladan siyaasiyiinta ah waad iska ilaalinaysaa taas waan kugu dardaarayaa, saddexna waan kaaga ducaynayaa manta; guddoon jilicsan, gar eexo iyo gacan buuran,”ayuu yidhi suldaan Mawliid Cali Ibraahim
Gebagebadii munaasibadda, waxa ka hadlay Caaqilka Cusub ee lagu caleemo saaray Caaqil Maxamuud Cabdiraxmaan Bakri, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan dadka ka soo qeyb galay xaflada iyo qurba-joogga reerka, waxaan ku dadaalayaa inaan cadaalad iyo sinnaan dalka iyo dadka ugu shaqeeyo, dhamaantina waad ku mahadsantahiin,”ayuu yidhi Caaqil Maxamuud Cabdiraxmaan.
Caaqilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Beesha Aabe-Yoonis ee reer Aw Maame ay ku yeeshaan Golaha Dhaqanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment