Monday, January 19, 2015

Duqa Caasimadda Oo Isbeddelka Waddooyinka Wasaaradda Arrimaha Guduhu Ku Samaysay Ku Tilmaamay Tallaabo Lagu Degdegay, Shacabkana Raalligelin u Diray

Hargeysa:Jan,19,2015(Himilo)-Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(soltelco), ayaa markii ugu horraysay Ka Hadlay Isbeddelka wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samaysay Hannaankii waddo-marista ee Caasimadda, waxana uu ku tilmaamay arrin lagu degdegay.

soltelcoGuddoomiye Soltelco oo maanta warbaahinta kula Hadlay Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in arrintaas ay dib uga wada-hadli doonaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay shaqadaasi ahayd mid Dawladda Hoose u taallay.

“Arintaasi waxay ahayd shaqadayadii, arinkana guddida bilicda ayaa lagu soo hadal qaaday waxaana soo jeediyey wasiirka caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye,waxaanay ahayd inaanu anagu farsamo ahaanu eegno waanan ku maqnayn, waxa ku jira deg deg aan ka raali gelinayo dadweynaha, in la wacyi geliyo ayey ahayd, waana arin dib loo eegayo maxaa khaldamay iyo maxaa soo baxay.” Ayuu yidhi maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

Sidoo kale maayar Soltelco waxaa uu sheegay inay arintan fulinteeda lahayd dawlada hoose balse lagu deg degay waxaanu yidhi, “waa arin lagu soo jeediyey guddida bilicda soo jeedinteediina way taalaa,laakiin fulinteeda in la wacyi geliyo dadka ayey ahayd cida xaq u leh inay ku dhawaaqdana waxay ahayd dawlada hoose, dadka cabanaya iyo iskaashatooyinka basaskana waanu wada hadlaynaa waanan balansanahay.”

Dhawaan ayey ahayd markii xubno katirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ay wasiir warancadde ku dhaleeceeyeen arrinta waddo-marista ee uu farogeliyey, waxana haatan dhaleecayntaas kusoo biiray Maayar Soltelco oo isagu si taxadar leh arrintan uga hadlay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment