Thursday, January 8, 2015

Khasaaraha ka dhashay Weerar loo geystay Xarunta Wargeys Aflagaadeeyey Diinta Islaamka

Paris 08 Jan, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay weerar shalay ka dhacay xarunta Wargeyska Charlie Hebdos ooh ore loogu aflagaadeeyey nebi Maxamed CSW oo bartamaha caasimada Faransiiska ee Paris ku taalay.
Madaxweynaha Faransiiska , François Hollande ayaa xaqiijiyey in 11 qof ay ku dhinteen weerarka isla markaana dhaawac halis ah yihiin afar qof oo kale, isla markaana xukuumaddiisa ugu yeedhay shir deg-deg ah, isagoo raaciyey inaanu ka shakisanayn in weerarkaani yahay mid argagixiso.
Charlie_HebdoDadka weerarkaa ku dhintey oo isugu jiray Weriyaal iyo Boolis, ayey dhowr qof oo wejiga soo duubtey isla markaana ku hubeysnaa hubka darandooriga u dhaca ee Kalashnikovs , gudaha u galeen xarunta tifaftirka Wargeyska, isla markaana bilaabeen in ay xabado badan ridaan, ka horintaanay meesha ayey ka baxsadeen. Booliska ayaa ku tilmaamey nimankan in ay ahaayeen saddex nin oo u tababaran sida Kumaandooska, ilaa haddana aanay gacanta ku dhigin.
Wargeyska Charlie Hebdo ayaa marar badan faafiyey Sawirada Kartoonka loo yaqaan oo ay wax kaga sheegayaan nebi Maxamed CSW.
Xarunta Wargeyskan shalay la weeraray ayaa daabacey muuqaal kartoon ah oo wax kaga sheegayaan hoggaamiyaha ururka ISIS Abubakar al-Baqdaadi, oo khudbadda ka jeedinaayey al-Baqdaadi masjid ku yaala Masoul dalka Ciraaq, kuna qornaayeen hadal macnahiisu ahaa “Salaan sanadka cusub loo diraayo al-Baqdaadi -Weli wax weerar ah kama dhicin France iyo jawaab uu bixinaayo taageere al-Baqdaadi oo leh sug ilaa dhamaadka Janaayo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment