
Wasiir Aloore oo Hadalkiisu u muuqday mid xaqiiqada ka fog oo aan laga fiirsan, ayaa si caddaan ah u eedeeyey somaliland, isagoo tilmaamay in markabkaasi ahaa mid u socday Gudaha Somaliland,
“Puntland waxay si dhaw ula socotay markab siday hub iyo gaadiid dagaal oo bishan 24-keedii kusoo xidhay Dekedda Berbera, kaas oo somaliland sheegtay inuu yahay markab hub iyo gaadiid dagaal sida oo si qaldan ugu so xidhay dekedda Berbera, isagoo aan wax ogolaansho ah ka haysanin somaliland, Laakiin Dawladda Puntland waxay bulshada caalamka ugu sheekaysaa in somaliland ay marin-habaabinayso Indhaha caalamka, isla-markaana uu gadiidkii iyo Hubkii markabkaas saarnaa uu si dhamaystiran u galay gudaha Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiir Aloore.
Wasiirka Hadalkiisa sii wata hadalkiisa, ayaa hubkaas ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Cunoqabadayn hore loo saaray gebi ahaanba Somalida, isagoo ka digay inuu Hubkaasi colaad ka abuuro Gobolka, waxana uu yidhi,
“Hubkaasi waxa uu xadgudub ku yahay Cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd somaliya, Puntalnd waxay Dawladda Federalka iyo Dawladaha Deriska ahba ku wargelinaysaa in Hubka ka degay somaliland uu khatar ku yahay ammaanka Guud ee Somalia, isla-markaana waxay ka digaysaa Colaad horleh oo uu sababi karo Hubka Dhuumaalaysiga ah ee laga dejiyey Dekedda Berbera.”
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan somaliland si cad iskaga fogaysay ku lug lahaanshaha hubkaas, iyadoo Bulshada caalamka u muujisay inay ku Hawllan tahay sidii ay uga soo bixi lahayd Waajibka ka saaran ilaalinta Ammaanka Mandaqadda Geeska oo ay kaga tilmaaman tahay Goob amaan ah.
Waa markii ugu horraysay ee cid ka baxsan somaliland oo kamid ah Maamulada Gobolka ka jiraa ka hadasho Hubkan, waxana wali aan wax jawaab ah kasoo saarin Hubkan Dawladaha awoodda ku leh Gobolka ee ay kamid yihiin Ethiopia iyo Kenya oo jaangooya Siyaasadda Gobolka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment