Berbera 25 January, 2015 (Himilo)- Madaxweyne Axmed Maxamed M. Siilanyo ayaa shalay mashaariicdii ugu badnaa oo xukuumada Dhexe iyo golaha deegaanka Berbera maalgeliyaan ee maalin la qorsheeyo hirgelintooda dhagaxdhigay magaalada Berbera oo nasiib u yeelatay.

Mashaariicdan oo badankooda ay maalgelintooda yeelan doonaan golaha deegaanka Berbera ee shalay Madaxweyne Siilanyo dhagax-dhigay ayey ka mid ahaayeen waddo 8Km ah oo ku soo wareegidoonta magaalada berbera, dhismaha afar garoon oo kubada cagta ah oo dhalinyarada xaafadaha ay u samayn-doonto dawlada hoose, si loo nasiyo garoonka wayn ee maayar cabdalle Stadium , dhismaha fooq laba dabaq ah oo wasaarada maaliyadu ka dhisan doonto gobolka, dhismaha guri fooq ah oo noqon doona ka ugu quruxda badan magaalada berbera oo loogu talo galay rugta akhriska ( library ) ee gobolka saaxil, dhismaha xeebta (Beach) berbera oo ay iyana hirgelindoonto dawlada hoose, dhismaha laba istaan oo ay ugu talo galeen in lagu ururiyo baabuurta waa weyn iyo kuwa yaryar si gobolku u yeesho meelo loogu soo hagaago baabuurta, beerida 2000 oo geed timir ah oo loogu talo galay marka ay wadada sameeyaan dawlada hoose ee ay kala saaraan dadweynaha iyo baabuurta in lagu beeridoono koonayaasha wadada.
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilanyo ayaa xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Haamaha shidaalka iyo Dekeda Berbera, isla markaana dhagax-dhigay qaar kaloo lagu kordhin doono.
Ugu dambayn, golaha deegaanka Berbera ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee mashaariic kala duwan hirgelintooda maalin u suntaday, taasoo noqon doonta mid ay ku dhaafeen goleyaasha dhigooda ee magaalooyinka kale Somaliland, taariikhdana ugu suntanaan doonta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment