Buuhoodle 18 Jan, 2015 (Himilo)- Kulan shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle ayaa baaq nabadeed loogu soo jeediyey colaad u dhexeysay laba beelood oo wada degan Somaliland.
Kulanka oo dhexmaray salaadiin iyo waxgarad ka soo jeeda laba beelood oo wada dega gobolka Sanaag ayaa u soo jeediyey bulshada beelaha Habaryoonis iyo Ugaadhyahan inay joojiyaan colaadaha u dhexeeya, maadama ay yihiin kuwo xidid iyo xigaalba wadaaga.
Boqor Faysal Cismaan Faarax oo hogaaminayey ergo beesha Habaryoonis oo dhowaan ka geybgalay xafladii caleema-saarka Garaad Soofe ee magaalada Buuhoodle oo shalay la kulmay ergo ka socotay beesha Ugaadhyahan oo u hogaaminayey Garaad Cumar Maxamuud Cismaan Mashqare, ayey labada dhinac ku baaqeen in la joojiyo colaada u dhexeysa.
Boqor Faysal Cismaan oo baaq nabadeed u diray labada dhinac ayaa sheegay, “Beelaha Ugaadhyahan iyo Muuse ismaaciil waxaan leeyahay ilaahay dartii u walaalooba. Xumaanta ka baxa isu-tanaasula, hadaanay masuuliyiintu isu-tanaasulin guusha lama gaadho. Qof kasta waxa wanaagsan inuu aakhiradiisa ilaashado.”
Garaad Cumar Maxamuud Mashqare oo isaguna kulankaa baaqa nabadeed loogu dirayey labada beelood ee shaqaaqadu u dhexeysay ayaa sheegay inay ka baxaan, isla markaan noqdaan kuwo nabad ku wada noolaada, waxaanu yidhi, “Shaqaaqada ka dhextaagan labadaa beelood ee walaalaha ah deegaanka Dhaabeeda waxaan leeyahay walaalooba, kana baxa colaadaha. Waxaan u soo jeedinayaa in ciddi gardaran qaadato gardaradeeda. Hadaan nahay waxgaradkii beelahaa waxaan leenahay ilaahay haka dhexsaaro kuwa shayaadiinta ah ee ka dhexshaqeynaya.
Waxgarad kaloo labada dhinac ka soo jeeday oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood sheegeen sida loogu baahan yahay in nabadgelyo dhexmarto labada beelood ee shaqaaqadu u dhexeyso, una soo jeediyey inay aqbalaan baaqooda nabadgelyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment