Muqdisho, 08 Jan, 2015 (Himilo)- Warar maalmihii u dambeeyey lagu baahinayey warbaahinta kala duwan ee dalka, ayaa lagu sheegay in wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ay ka mid noqdeen Saamileyda telefishanka ROYAL oo ah xarun warbaahin Soomaali leedahay oo saldhiggiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Telefishanka ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga baahinayey in qaybo ka mid ah Saamiga mulkiyadeed ee
Telefishanka ay iibsadeen dad Soomaali ah, kuwaas oo aanu telefishanku shaacin cidda ay yihiin.Haddaba, waxa arrintan ka hadlay oo wax laga weydiiiyey Mulkiilaha Telefishanka Royal TV Dr Asad Mahdi Abubakar oo sheegay inaanay waxba ka jirin warar lagu sheegay in wasiirada Madaxtooyada iyo Duulista Hawada Somaliland saamiyo ka iibsadeen isla markaana ka mid yihiin mulkiilayaasha telefishankaa.
Dr. Asad Mahdi Abuukar oo saxaafaddu wax ka weydiisay jiritaanka warkan, waxa uu sheegay in qaybo ka mid ah saamiga telefishanka la iibiyey, balse waxa uu war aan sal iyo raadtoona lahayn ku sheegay wararka saamiga la iibiyey ku xidhiidhiyey Wasiirrada xukuumadda Somaliland ka tirsan.
“Waan maqalay, waxyaalaha qaarkood saxaafadu marka ay qorayaan inay caddeymo hayaan ayaa wanaagsan. Ma jirto wax saami ah oo wasiirada Somaliland ku leeyahiin ama ka iibsadeen telefishanka Royal Tv. Arrintaasi wax ka jira ma laha, meelaha lagu qorayna waxaan filayaa in hadafkoodu ahaa inay akhristayaal ku helaan,”Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Telefishanka Universal oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Koonfurta Dalkaasi Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment