Thursday, January 29, 2015

Qodobo Muhiim U Ah Bulshada Oo Ka Soo Baxay Kulan Diimeed Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Qorshaha Xukuumada Ee Ku Lamaan

Sidii guurka la fuddudeeyn lahaa iyo barbaarinta ubadka iyo qodobo kale oo ka soo baxay kulanka culimada

Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa sheegay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhallinyarada budhcada ah, waalidiinta iyo cuqaasha dabagasha marka ciidammada ammaanku gacanta ku dhigaan.

Sheekh Khaliil oo khubad ka jeediyey xidhitaanka kulamo diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa oo arrimaha qoyska lagaga hadlayey waxa uu tilmaamay in dhallinyaro badan ciidammada ammaanku gacanta ku dhigeen, qaar la maxkamadeeyey, inta hadhayna lagu daba jiro, waxaannu waalidka ugu baaqay in ay ubadkooda ilaashadaan.

masaajid“Waad arkaysaan kooxaysigaa inagu cusub oo intay dhallinyaradii kooxo iyo magacyo samaysteen, qaarkood baa magacyaal gaalo samaystay, qaar baa samaystay magacyo ciyaartooy, qaar baa samaystay magacyo ururo oo Daacish oo kale la baxay, qaar baa dhoorar samaystay, kaas maanu aabbo iyo hooyo dhalin, guri miyaannu ka soo bixin, gurigaasi waa guri ba’ay, haddii uu isagii baaba’ayna dawladdu xaq bay u leedahay in ay qabato oo ka faa’iidaysato oo ay ku xamaasho  oo ay ku jeexdo waddooyinka iyo guryaha ay dhisayso, waana qodobada jira ee loo baahan yahay in aan nina soo dabagelin ilmaha noocaas noqday, xeerar baa ka yaal oo anshaxa carruurta ah oo lagu maxkamadaynayo waalidka iyo caaqilka odhanaya intay yimaadaan ilmaha yar il baa laga riday ee gaadhigii uu iska dhigay la odhanayo iska bixi, carruurtu ganacsi iyo baayac-mushtar maaha. Marka uu suuqa boobayana ilmahiisii maaha. Qaar badan waa la qabtay, qaarna waa lagu daba jiraa oo hadh iyo habeen waa la qaqabanaya, loona naxariisan maayo, waalidka iyo caaqilka ka daba imanayana laga yeeli maayo. Dhallinyaradaas dawladdu way u tashatay, waxna way xidhan yihiin, waxna waa lagu daba jiraa, afarta inan ee hoggaaminaya waa la garanayaa,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhaqan xumada dalka ku soo badanaysa, waxaannu yidh; “Xukuumadda iyo dawladdu sidaad ka war haysaan anshaxa iyo akhlaaqda illaalinteeda, iyaga gacanta saaraya oo ka shaqaynaya, inkastoo ay nagala shaqeeyaan Guddiyada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebistu oo gobollada oo dhan ay nagala shaqayso, haddana gacanta dawladda ayey saaran tahay, waxna way ka wadaa, akhlaaqiyaadkii iyo dhaqan xumadii. Dad la xidhay, dad la maxkamadeeyey warbaahinta aad ka maqashaan amma aad aragtaan iyagoo jeelasha iyo saldhigyada booliska la tegayo.

Arrinta gacanta lagu hayaa, runtiina waannu ku xoojin doonaa, waalidkuna waa in ay nagala qaataan, waayo haddii waalidku ka shaqayn waayo ilmihii oo marka uu bulshada u soo baxo xumaynayo waa in dawladdu gacanta ku qabato. Way dhacdaa mararka qaar in nin miskiin ahaa ilayn dab munaafaq shiday baa miskiin ku gubtaaye in isaga gacan ku dhacdo oo qaar badan u soo cabanayaan ilmahaygii yaraa masaajid buu ka soo rawaxay iyo roodhi baan u dirtay baa ka dhacday.”

Wasiir Khaliil wuxuu ugu baaqay bulshada in ay guurka fududeeyaan oo lagu dhiirado guurka iyo yagleelida qoyska islamka ah.

Dhinaca kale, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi, ayaa halkaas ka akhriyey qodobada ka soo baxay kulan diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, waxayna qodobadaasi u qornaayeen sidan;

  • In la ogaado Cabsida Alle.

  • In la fudaydiyo dhismaha Qoyska Muslimka ah.

  • In la illaaliyo waaritaanka qoyska dhismay

  • In lagu dedaallo barbaarinta ubadka.

  • In la ilaaliyo dhallinta qaangaadhka ah, feejignaan gaar ahna loo yeesho hab-dhaqankooda.

  • In laga illaaliyo ubadka aafaadka mukhaadaraadka, qabyaaladda, is-kooxaysiga iyo tahriibka.

  • In la barto daruuriyaadka diinta, ubad iyo waalidba.

  • In la iska kaashado baaqa iyo dacwadda diinta.

  • In la illaaliyo nabadgelyada.

  • In la kaantaroollo oo itaalkood Shirkadaha Isgaadhsiintu ay xannibaan fawaaxishka Internet-ka.

  • In laga feejignaado oo ganacsatadu aanay keenin dharka tolan ee diinteennu aanay ogolayn.

  • In loo wada kaco barashada iyo ku dhaqanka diinta suubban ee Islaamka.


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment