Sida lagu sheegay wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxa Isgaadhsiinta Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Axmed, kaas oo lagu socodsiiyey dhammaan warbaahinta dalka, shirkadaha Isgaadhsiinta, Madbacadaha iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA isla markaana ogeysiin la siiyey Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, ayaa lagu sheegay inaanay warbaahinta kala duwan ee dalka iyo shirkadaha isgaadhsiintu faafin qorin farriin caafimaad, waxaanay shuruud uga dhigtay in ogeysiiska ama farriinta caafimaad ee shirkadaha ama warbaahintu faafiyaan ay oggolaanshiiyo ka haystaan wasaaradda Caafimaadka.Qoraalka wareegtada lagu wargeliyey warbaahinta iyo shirakdaha is-gaadhsiinta, ayaa u dhignaa sidan:- “Isgaadhsiintu waa laf-dhabarta dhinaca Arrimaha bulshada, sida is-gaadhsiinta Idaacadaha, Telesom, SOMTEL, Warbaahinta Muuqaal-aragga, Wargeysyada, Madbacadaha sameeya Farriimaha iyo Degellada Mareegaha Wararka. Dhammaantood waxay door muhiim ah ay ka qaataan warbaahinta Caafimaadka Guud, waxaanay muwaadin kasta siiyaan awood iyo caawimo, si ay go’aan uga gaadhaan xogtii loo sheegay ee ku saabsanayd Arrimaha Caafimaadka. Balse waxa dhacda mararka qaarkood inay waxyeello ka soo gaadho is-gaadhsiinta Caafimaadka Dadweynaha, mid shakhsiyeed ama bulsheedba.Tusaale ahaan marka la baahiyo macluumaad aan sax ahayn ama aan dheeli-tirnayn, farriimaha takooran, farriimaha anshax la’aanta ah ama Ka yaabiya bulshada.
Haddaba annaga oo ka duulayna siyaasadda Isgaadhsiinta Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee macluumaadka Anshaxa Caafimaadka, waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan warbaahinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland in aanay sii dayn karin wax ku saabsan xayeysiis ama ku taxaluqa macluumaadka caafimaadka oo aan ka haysanin warqad oggolaansho ah wasaaradda Caafimaadka.”
Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lagu mamnuuco farriimaha lagu xayeysiiyo ganacsiga adeegyada ay bixiyaan goobaha Caafimaadka dalka, ayaa qayb ka ah qorshe wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadku ku doonayaan inay ku hubiyaan tayada adeegyada Caafimaad iyo aqoonta dhakhaatiirta iyo hawl-wadeennada ka hawl-gala cusbitaallada iyo goobaha laga bixiyo adeegyada Caafimaad ee bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment