Saturday, January 3, 2015

“Waxaan leeyahay taga Somaliland, digniin kastA oo Laga sheego”

London, 03 Jan, 2014 (Himilo)- Kate Stanworth oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay doonayso sidii shacabka Ingiriisku aqoon ugu yeelan lahaayeen Somaliland, una dareemi lahaayeen in jaalid badan oo ka soo jeeda joogaan dalkooda.
BumDZa_CIAE1WzzMs. Stanworth oo xilliyo kala duwan booqasho ku timi dalka, muuqaalo kala duwan oo ay qaadayna Somaliland ku soo bandhigtay magaalada London ayaa sheegtay inay qorshaynayso sidii ay xagaaga soo socda xogo badan oo ku saabsan dalka u gaadhsiin lahayd bulshada Ingiriiska oo aqoonta ay u leeyahiin Somaliland kooban tahay.
Wareysi kooban oo Ms. Stanworth lagu weydiiyey muhiimada hawlaha ay ka wado Somaliland, sida ay ku bilowday ayey ku jawaabtay, “Waxaan ahay haweenay qaada muuqaalada, kana sameeya barnaamijyo, xagaaga soo socdana waxaan bilaabayaa hawl loo bixiyey “Xagaaga Somaliland”.
Xaqiiqada, dad badan oo kula kulmay Somaliland waxay iiga sheegeen sheekooyin xiiso badan iyo xidhiidhkooda Ingiriiska, taasoo iigu muuqatay inaan wadaagno xidhiidh, kuna noolnahay wadan isku mid ah.
Waxaan doonayaa in hawshaydu sidii shacabka Ingiriisku aqoon ugu yeelan lahaayeen Somaliland, maadama intooda badan la socon, una ogaadaan in jaaliyad badan oo ka soo jeeda ku nool yihiin dalkooda. Waxaan doonayaa inaan ku abuurno faham inaan wax wadaagno.
Mar la weydiiyey casharada ay ka baratay inay hawl sidan oo kale ka samayso dal ajaanib ah, ayey ku jawaabtay, “Waxa muhiim ah inaad dhegeysato dadka, inkastoo ay adag tahay inaad aqoon dheer u yeelatid dhaqamada iyo caadooyinka, sida qof muddo dheer joogay ama u dhashay ugu leeyahay.
Markaa dhabtii dhegeysiga bulshada iyo la macaamilkoodu waa muhiim, waxaan xilliyo kala duwan ka qeybgalay bandhiga Buugaagta Hargeysa, taasoo intaan muuqaalada ka qaadayo, sidoo kale dhegeysto khibradaha qorayaasha, taariikhyanahada ama gabeyaasha.
Xaqiiqadii keliya ma tegi kartid wadan, hadaanad garanayn muhiimada uu leeyahay, markaa waxaan ku dedaalaa fahamka bulshada sida ugu balaadhan.
Mar ay ka jawaabaysay maada Ingiriisku digniino ka bixiyo tegitaanka Soomaaliya ama Somaliland, tallada ay u jeedinayso ajaanibka doonaya inay u tagaan Somaliland hawlo ayey tidhi, “Waxaan leeyahay taga Somaliland, digniin kastoo ka sheegaan wasaarada khaarajiga Ingiriisku, maadama intaan ka bartay, tahay dal xasilooni ka jirto. Balse waa muhiim inaad yeelato hageyaal, si aanad culays ugala kulmin dal kugu cusub.
Waxaa jira sheekooyin xiiso leh oo Somaliland laga helayo una baahan in dunidu aqoon u yeelato, bulshadeeduna waa dad ku kaalmaynaya hadaad wadadda saxa ah ku waajahdo.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment