
Guddiga Micnadleyaasha Caafimaadka ee Somaliland oo ah hay’ad madax-bannaan oo madaxweynuhu digreeto ku magaabo hoggaankooda, ayaa shaqadoodu tahay hubinta iyo daba-galka adeegyada caafimaadka iyo aqoonta dhakhaatiirta ka hawl-gala cusbitaallada dalka.
Hoggaanka sare ee Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka oo kormeerkooda kaddib shir-jaraa’id ku qabtay cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey waajibaadkooda shaqo, ujeeddada kormeerkooda iyo meelaha u qorshaysan inay guddi ahaan hawl-galladooda ka fuliyaan.
Guddoomiyaha Komishanka Mihnadleyaasha caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay in kormeerkooda cusbitaalka Guud bilow u yahay daba-gal iyo baadhitaanno ay ku qiimaynayaan adeegyada caafimaad ee cusbitaallada dalka.
“Bartilmaameedkayagu waxa uu ahaa inaanu xoogga saarno cusbitaalka dawladda oo aanu doonayno inuu tusaale u noqdo cusbitaallada kale. Heerka Qaran ee loo baahan yahay oo aanu hayno ayaanu ku hubinaynaa cusbitaalka adeegyadiisa, markaa haddii ay Heerkaas soo gaadhaan ama wixii ka dhiman muddo ayaa la siinayaa,” ayuu yidhi Dr Axmed Xaashi Oday.
Mar uu ka hadlayey ujeeddada ay ku doorteen inay Cusbitaalka Guud ka bilaabaan kormeerkooda, waxa uu yidhi, “Kan waxaanu u doorannay iyadoon lana odhanayn anagaa lanoo jeedaa waayo waa cusbitaalkii dawladda, dadka ka shaqeeyaa waa shaqaalihii dawladda, in la hagaajiyo mooyaane wax laga xumaynayaa ma jiraan. Marka kii Hargeysa ee dawladdu lahayd sidaas loo galo, cusbitaallada kalena waanu ugu sii quus-goynaynaa iyo in ka gaarka loo leeyahayna dariiqaas la marin doono.”
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Axmed Askar ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan kormeerka Guddigu ku sameeyeen cusbitaalka iyo talooyinka la xidhiidha kobcinta tayada adeeg ee ay bulshada u fidiyaan. “Waxa ala wixii talo ah ee nala siiyo waxaanu isku dayaynaa inaanu hagaajinno oo aanu dhammaystirni,” ayuu yidhi Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Agaasime Axmed Askar waxa uu ka hadlay muhiimadda tallaabadani u leedahay tayada adeegyada caafimaad ee bulshada, waxaanu yidhi, “Caafimaadku sidii hore noqon maayo oo qof waliba uu geed hoostii meel ka waabto, waxay noqonaysaa in lays daba-galo oo qofkii qalad ku jira la qabto, waxaanan rejaynaynaa hawshan maanta (shalay) bilaabantay ay ballan-qaadi doonto in dadka reer Somaliland ay helaan caafimaad aanay dhibaato ka soo gaadhin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment