
“Waxaan idiin sheegayaa 6 bilood wax ka yar ayaa u hadhsan Xukumaddan, Ansax maaha heshiisyada ay gashaa Runtii. Xukuumad ay 4 Bilood u hadhsan tahay iibkeeda iyo Heshiisyadeeduba Ansax ma noqonayaan. Dekeddaas hadda la wareejinayaa waxay ka mid noqonaysaa iibintii iyo boobkii hantida Qaranka ee aan cidna loo sheegin, haddii ay ahaayeen Wershadihii sida tii Laydhka, Dhulkii iyo Guryihii dawladda, waxbana ka tegi mayso.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame.
Waxaanu Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Waxaannu Shirkadaha Caalamiga ah iyo dadweynaha-ba u sheegaynaa Xukuumad 6 Bilood wax ka yari u hadhsan tahay Heshiiskeeda iyo iibkeeduba Ansax noqon maayo heshiiskeeduna Sharci ma noqonayo. Ganacsatada Lacagtooda iska gelinaya hantidaa Ummadda ee la boobayo waxaannu leenahay Lacagtiinna ha iska gelinnina Boobkaas aad arkaysaan ee aan Sharciga ahayn.”
Xildhibaanku waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay inay tahay mid aan waxba ka dhegaysanayn Mucaaradka iyo Dadweynaha, isagoo sidoo kalena eedeeyay Golaha Wakiillada ee uu ka tirsan yahay oo uu sheegay inaanu doorkiisa qaadan, isla markaana intiisa badani ku biirtay oo ay gacan-saar la leeyihiin Aqalka Madaxtooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment