Tuesday, February 10, 2015

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Wasiirrada Xukuumadda Cusub iyo AL-Shabaab oo sheegatay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Muqdisho, 10 Feb, 2015 (Himilo)- Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Isniintii shalay ansixiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Raysal-wasaaraha la magacaabay ee dalkaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
201529635590611274385543cabinet6Xildhibaanno tiradoodu dhan tahay 191 Mudane oo ka tirsanaa laba Boqol iyo Labaatan Xildhibaan oo ka soo xaadiray Fadhiga Baarlamaanka ee shalay, ayaa oggolaaday in la ansixiyo Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya oo isla shalay la horkeenay Golaha, waxaana diiday laba iyo Labaatan Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo fadhiga guddoominayey, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Cod-bixinta Xildhibaannada oo Toddoba Saf loo fadhiisiyey codaynta ka hor, waxaanu sheegay inay sidaas ku ansaxeen Xubnaha Golaha Wasiirrada, isagoo sheegay in 191 Mudane oggolaadeen Wasiirrada, halka 22 Xildhibaan diideen, sidaasna ay ku ansaxeen Wasiirradu, isla markaana looga baahan yahay inay guda-galaan shaqada dalka iyo dadka Soomaaliya uga fadhiyaan marka la dhaariyo ka dib.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-Xanaf oo fadhigaas ka soo qayb-galay, ayaa Baarlamaanka hortiisa ku dhaariyey Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii Mudanayaashu ansixiyeen kaddib, kuwaasoo uu sheegay inay shalay laga bilaabo Sifo Sharci ah ku magacaaban yihiin.
Raysal-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo go’aankaa Xildhibaannada ka dib hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Xildhibaannada Baarlamaanku codka aqlabiyadda ah ugu ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu soo dhisay ee ay codka kalsoonida u siiyeen.
Waxa uu Raysal-wasaare Sharma’arke sheegay in Xukuumadda la ansixiyey ee uu soo dhisay hirgelin doonto shaqo hufan iyo daacadnimo inay dalka iyo dadka Soomaaliya ku gaadhsiiso qorshaha higsiga cusub ee illaa sannadka 2016-ka, oo la qorsheeyey in nidaam doorasho laga hirgeliyo dalka Soomaaliya. Xubno ka tirsan Wasiirrada la ansixiyey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka mahad-celiyey qaabka Baarlamaanku u ansixiyey, waxaanay ballan-qaadeen inay si daacad ah u gudan doonaan waajibaadka ay u xil-saaran yihiin, iyagoo xusay inay ka run sheegi doonaan dhaarta ay dadka iyo dawladda Soomaaliyeed u mareen.
Geesta kale, Xildhibaankii lixaad ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya muddo ku siman toban Bilood gudahood, ayaa Isniintii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Qayaad Barre. ILLAAHAY Naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuumka, ayaa Niman Hubaysani ku dileen Xaafad ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, ka dib markii isagoo u sii shaqo-tegayey xarunta Baarlamaanka oo fadhiga lagu ansixinayo Wasiirrada loogu ballansanaa u socday wakhtigaas oo Baabuurka uu watay la hor-dhigay, laguna dhuftay Gaadhi ay saarnaayeen Nimanka Hubaysan ee dilkiisa fuliyey.
Dilka Xildhibaan Qayaad, waxaa Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab. Afhayeenka Hawl-gallada u qaabbilsan Kooxdaas Sh. Cabdicasiis Abu Muscab oo Warbaahinta afkooda ku hadasha la hadlay gelinkii dambe ee shalay, ayaa sheegay in hawl-galka lagu dilay Xildhibaanka uu yahay mid guulaystay oo ay fuliyeen Xubno uu Mujaahidiin ugu yeedhay oo ka tirsan Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab, isagoo ku hanjabay inay sii wadayaan hawlgallada ay kooxdu ku bartilmaameedsanayso Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda Soomaaliya ka tirsan-ba.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Masuuliyiinta kale ee dalkaas, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan ee Soomaaliya UNSOM, Wakiillada Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, ayaa si adag oo isku mid ah u cambaareeyey dilka Xildhibaan Cabdillaahi Qayaad Barre, kaas oo ay ku tilmaameen dil waxshnimo, fulaynimo iyo axmaqnimo ah, waxaanay baaqeen in Sharciga iyo Caddaaladda la hor-keeno kuwa ka dambeeyey dilka Xildhibaankan iyo Xildhibaannadii ka horreeyey-ba.
Xildhibaan Cabdillaahi Qayaad Barre, ayaa noqonaya Mudanihii lixaad ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu dilo magaalada Muqdisho muddo ku siman toban Bilood gudahood, kuwaasoo dhammaantood dilkooda ay Kooxda Al-Shabaab sheegatay inay ka dambaysay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment