
Waxa uu hoga-tusaaleeyey halkay ka fakatay qaddiyadda Siyaasaddeed ee Beelaha darafyadu, isagoo xusay inay sal u tahay arrimaha waddanka ka taagan ad-adayga Maamul ee aan Macquuliyadda ka turjumaynin oo sababay qanac iyo niyad-jab Shacbi. Waxa kale oo uu talooyin u jeediyay Suldaanka Fallaagoobay ee reer Awdal iyo Bulshada Gobolkaasi, waxaanu waraysigan oo ah qaybtii saddexaad ah su’aal lagaga weydiiyey arrimahaas kaga jawaabay sidan:-
“Waxaan u arkaa nasiib darro weyn. Muddo afar sano ku dhow, ayaa xukuumadda hadda joogta lagu wareejiyey dal iyo dad nabad ah oo mideysan iyo soohdimihii dalka oo sugan. Maanta waa loo jeeda dildilaac dalka ka muuqda dhinaca walba. Kuwaas,oo intooda badan,ay keentay siyaasad xumo ay ku dheehantahay isku-joojin la'aan iyo tixgelin la'aan tabashooyinka bulshada qaarkood. Haddii caqli fayow oo xaliya arrimaha ka taagan gobolada darafyada la helin, waxay horseedi karaan nabadgelyo darro. Waxaan qabaa, inta ay doonto Somaliland ha ku qaadatee, in khilaaf walba wadahadal lagu dhammeeyo. Wuxuu caqliga saliimka ahi Inna farayaa in aan bulshada, si sahlan Ciidan loogu adeegsan, iyadoo lagama maarmaan noqota mooyee, sida haddii weerar hubeysan lagu soo qaado Ciidanka oo kale, markaas wuxuu Ciidanku xaq u yeelanayaa inuu is-difaaco.” ayuu yidhi Cali.
Waxaanu intaas ku ladhay; “Dadka Siyaasadda qaada-dhigaa waxay qirayaan in lab qodob oo ah farsamo-xumo Xukuumadeed ay murgiyeen arrimaha ka taagan labadaa gobol. Waa ta Laascaanoode, waxa la sheegay, ka hor shirkii khaatumo ee Taleex lagu qabtay 12-kii Janwari 2012, in qaar ka mid ah koooxda loo yaqaanno lixdii aasaasayaasha Khaatumo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland Hoteelka Sheraton ee Addis Ababa. Waxay ka dhaadhiciyeen Madaxweynaha in Shirkoodu yahay mid Beeleed, sidii kii ka dhacay magaalada Gar-adag, danta guud ee Somaliland-na aanu ka horimaneyn. Isagoo ku qancay warka la siiyey ayuu Madaxweynuhu ku barakeeyey. Markii ujeeddada shirku soo ifbaxday ee bulshaduna kacday, jawaabta Madaxtooyadu waxay mar kasta ahayd; ‘shirka Taleex waa shir beeleed ay xaq u leedahay beel kasta oo Somaliland ahi inay qabsato.’ Hase ahaatee, markii shirweynihii Khaatumo uu caddeeyey ujeedadiisii ayey Xukuumaddu ku ambabartey sidii loo marin-habaabiyey oo ay Ciidan u saartay. Waxaa iyana sheegis mudan in qofkii fududeeye shirka labada dhinac uu ahaa qof mansab muhim ah u hayey dalka wakhtigaas.”
Ma uu Cali-Sanyare ka hadlayey xaaladda gobolka Awdal ka taagan wakhtigan iyo marxaladihii la soo maray illaa 1960-kii, waxa uu yidhi; “Waa ta Awdele, taariikhda Somaliland wuxuu gobolku kaga yaal baal Dahab ah. Waa gobolkii marti-qaaday Shirkii labaad ee Beelaha Somaliland. Waa shirkii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Eebbe jannadii fardowsa ha ka-waraabiyee. Waa Madaxweynihii tiirarka dawladnimo u taagay Somaliland. Waa shirkii u horseeday dimoqraadiyada Somaliland. Bulshada Somaliland way ka wada dheregsantahay wax ka socda gobolka, waxa caddeysay Xukuumadda, waxaana sii-Iftiimiyey dhibaatada Suldaan Waber, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda gobolka, Masuuliyiin kale oo fara badan oo ay ku jiraan Salaadin, Aqoonyahanno iyo Wax-garad. Waxay dhammaantood isku-raaceyn in qaddaris la'aani dhibaatada keentay ka timid dhinaca Xukuumadda, markii ay ka gaabisay tixgelinta tabashooyinkooda muddo aad u dheer oo saddex sano ku dhaw.”
“Xukuumaddu way qiratay in aan weli tabashooyinkii gobolka laga jawaabin, Inkasta oo ay ku dartay in Guddi Wasiirro ahi ay arrintan faraha ku hayaan. Waxa marag ma doonta ah in gadoodka gobolka ka jira uu sabab u noqon karo tixgelin la'aanta ka timid dhinaca Xukuumadda, iyadoo arrimo kale oo hadda caddeyn soo if-baxaan mooyaane.” Sidaa ayuu yidhi Cali.
Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland Cali-Sanyare, waxa uu talo u jeediyey reer Awdal, waxaanu yidhi; “Waxaan kula talin lahaa bulshada reer Awdal inay is-dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan. Nabadgelyadu waa inugu qaali,Waa inoo wada dan.Marka nabadgelyada la waayo ayaa nimcadeeda la gartaa, fartana dhexda laga qaniina. Madaxdha-qameedka, Waayeelka, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka reer Awdal xilkoodii taariikhiga ahaa way kasoo baxeen. Waxaanay ku caddeeyeen go'aannadii ka soo baxay Shirkii Dooxada Geb lagu qabtay. Hase ahaatee, waxa loo baahanyahay in dhalinyarada la gadoodiyey loogu celceliyo qiimaha nabadda, toosaan leeyahay. Waxay dhalinyarada Somaliland oo ay ku jiraan dhalinyarada Awdal, indhaha-ku soo-kalaqaadeen dal nabad ah, barwaaqeysan,inkasto wax badani ka dhimanyihiin iyo Jaamacado Shaqeynaya. Ma garan karaan dhibaatada loo soo marey hadda halka la taagan yahay, iyagoo loo sheego mooyee.”
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray; “Waxa kale oo aan jecelahay in aan xasuusiyo reer Awadal Inay dalkan Xukumeen muddo toddoba sano ah, loogana fadhiyo inay markale Xukumaan. Illaa maalintii Somaliland xorriyaddeedii la soo noqotey wuxuu gobolku ku fadhiyey kursiga labaad ee dalka ugu sarreeya. Kuwa u hanqiltaagaya Soomaaliya malagayaaba inaanay fursadahaas oo kale ka heli karin Soomaliya? Khibradii Soomaaliya aynu ku baranay waxay ahayd dal bulshadeedu, gaar ahaan kuwa isbidaya tiro-badni ay yihiin kuwo iyana wax-isku-oggoleyn, cid kalena wax u oggoleyn. Waxa kale oo, iyana xasuus mudan, markii Mudane Cabdi Xasan Buuni Allaah ha u naxariistee uu ka noqday Ku-xigeenka Rai'isal-wasaaraha Soomaaliya sannadkii 1960-kii wuxuu ku helay magaca Somaliland iyo Midnimadii Xisbiyadii SNL/USP ee Xamar lagu tegay. Ra'iisal wasaarihii Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,wuxuu xukuumadda wakhtigaas ka noqday Wasiirka Difaaca.”
“Maanta ma ahayn cadho Xukuumadda aad u qaadeen awgeed in taariikhdii la soo maray aad ku ilowdaan oo xubno la odhan karo waa dhalaan dhalad ku hadaaqaan hadalo aan hore looga baran bulshada Awdal ee ka midka ah bulshooyinka ugu taariikhda iyo xadaarada weyn geeska Afrika. Waxa jirta maahmaah somaliyeed oo tidhaa: "Oodi ab ka dhow ." Marka haddii aad is-hirdideen qolooyin aydaan isku ood ahayn, aqoonta xadaaradiina iyo macaamilkii soo jireenka ahaana wax uga dhimanyihiin, xaal weyn ayaannu idinka siinay. Bulshada somaliland waa idiinka graabeysa tabashooyinkiina.Hadaba,idinkuna ka saara hadalka intii aan laaqika ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Sanyare.
Waxaanu Cali-Sanyare talooyin u soo jeediyey Suldaan Wabar oo uu ugu baaqay inuu gogosha wadahadalka iyo is-fahamka ku soo laabto, isla markaana ka soo laabto fallaagawga uu hadda ku jiro, si uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ula qaybsado, nabadgelyada uu dhismeheeda gobolkiisu ka qayb-qaatayna sumcad-xumo u soo jiidin, isla markaana uu dul-qaad iyo degganaan muujiyo maaddaama oo uu Suldaan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment