Dawladda Sudan waxay Soomaalida ku eedaysay dad aan dhowrayn sharciyadda dal ku joogista ee la siiyo sidoo kalena ay sii maraan dalkeeda iyagoo tahriibaya.“Go’aanka ay qaadatay Sudan waxaa ku cad in dadka Soomaaliyeed ee soo gala dalkooda ay aad u bateen, sidoo kalena aanay Soomaalidu ahayn kuwo u hoggaansamaya sharciyada dal-ku-joogga, sidaas darteedna ay joojiyeen bixinta fiisaha Soomaaliya la siiyo,” ayuu Sidaas waxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Cali Guulane oo ka tirsan Hawl wadeenada Safaaradda Somalia ee Sudan.
Masuulkan oo faahfaahinayey tirada Soomaalida ku nool dalka Suudaan, waxa uu yidhi, “Tirada Soomaalida ku nool Sudan waa illaa 10,000 oo 6,000 oo ka mid ah ay yihiin arday, halka kuwa kalena ay yihiin qoysas deggan iyo dad kale oo u jooga ganacsi ahaan, joojinta fiisaha saameynteeda ayay yeelanaysaa. Runtiina culeyskan waa mid ku yimid dadka dalka Sudan u taga qaabka tahriibka ah,”
Mr Guulane waxa uu ka hadlay arrinta Tahriibka oo uu sheegay inay go’aankan soo dedejisay xilligan, “Dhibaatada tahriibka waa mid caqabad badan ku haysa dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad u fara badan, lacago badanna ay ku baxaan, sidoo kalena dhibaatooyin loogu geysto dalal ay ka mid tahay Liibiya oo ay sii maraan lacago badanna looga qaato.”
Waxa uu sarkaalkani kula taliyey Soomaalida inay joojiyaan socdaalka Sharci-darrada ah isla markaana ay qaab sharci ah ku tagaan dalalka ay doonayaan inay u safraan oo ay ka digtoonaadaan tahriibka sharci-darrada ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment