
Edna oo ka hadlaysay himilada laga sugayo ardaydii qalibjebisay oo ka kala socday ilaa boqol wadan oo caalamka ah ayaa sheegtay “Waxaan filayaa in laydinka sugayo sidaad u dabakhi lahaydeen aqoontii aad jamaacad ku barateen, taasoo ah dhinaca inaad ku guulaystaan ee laydinka sugayo, bulshadiinuna idinka rajaynayso. Aan idiinka sheekeeyo khibradii aan soo maray oo wax badan idiin kordhinaysa, aan ku bilaabo waxbarashadydii, aduunka waxa jira wadamo waxbarashada aanay nasiib u wada helin dadku, weliba gaar ahaan hablaha.
Mar ay ka sheekaysnaysay waayahii ka soo maray waxbarashada iyo siday ku bilowday wax akhriska iyo qorida ayey tidhi, “Waxaan ku dhashay maxmiyadii Somaliland oo lahayn dugsiyo waxbarsho hablaha, waalidkeedna jeclaayeen inay aqalka uga shaqeyso, balse waxaan nasiib u yeeshay inaan helo aabe igu dhiirigeliya waxbarashada. Waxuu aqalkayagii ka sameeyey goob ardayda jaarkayagu wax ku bartaan, aniguna halkaa ayaan ku bilaabay wax akhriska iyoq qorida, inkatsoo wiilashu iga sareeyeen waxaan ku khasbanaaday inaan la qabsado, waana goobtii aan qoritaanka iyo akhriska ku bilaabay. Ka dib waxaa lay diray Jabuuti, oo luuqada farannsiisku nqotay luuqadii koowaad, tartankaa aan la galay wiilasha iyo u tegitaankii dal kale waxbarasho, waxay ii sahashay inaan jeclaado warbarashada.
Marwo Adna Adan ayaa sheegtay inay nasiib u yeelatay nqoshada gabadhii u horeysay Soomaali ee deeq waxbarasho hesha, isla markaana dalkeeda Somaliland oon aqoonsi haysan wax badan wadamada caalamku ka baran karaan, waxaanay tidhi “Waxbaradii waxaan ku helay nasiib inaan Ingiriiska deeq waxbarasho u helo, waxaan noqday gabadhii keliya soomaali ee waxbaranaysay, waxaan noqday inantii koowaad ee qaarada Afrika iyo Soomaali ee shaqo ka hesha Haya’adda Caafimaadka Aduunka. Waxaan noqday gabadhii ugu horeysay ee ku dhalatay dal aan waxbarashada hablaha la ogolayn oo gaadhay heerkaa. Waxaan u socdaalay waxbarasho iyo dalkayga annigoo wasiirka Arrimaha dibeda ah iyo anigoo shacab ah, waana sababta aan u hirgeliyey dhakhtarka Hargeysa oo dhamaan daafaha Geeska Afrika looga yimaado, kana hirgeliyey goob hore u ahaan jiray meel dadka lagu dilo. 13 sannadood dabadeed dhakhtarkii waxuu noqday goob waxbarasho, sababtoo ah waxbarashadu waa hadyada aan doonayo inaan uga tago dadkayga. Hadii Somaliland (dal aan khariidadiina ) ku ool hoos u dhigi karo heerka dhimashada caruurta, waxaan qabaa in wadamo badan oo caalamku kaga dayan karaan. Inaad u dagaalantid waxaad aaminsan tahay waa sababta aan manta halkan u joogo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment