Thursday, February 12, 2015

Guddoomiyaha Guurtida oo Nasiib-darro ku tilmaamay Xiisadda Ka soo Cusboonaatay Balliga Diiriye Guuleed iyo Hanjabaad uu u jeediyey

Hargeysa/Burco, 12 Feb, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay Isku-dhac mar kale laba beelood oo Ood-wadaag ah ku dhexmaray deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo ka tirsan degmada Burco ee gobolka Togdheer Salaasadii Todobaadkan, kaas oo khasaare ka soo gaadhay labada dhinac.
Saleebaan-Maxamuud-AadanGuddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay war-fidiyeennada kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu labada beelood ee xurguftu ku dhexmartay deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada, isaga oo ku gooddiyey haddii loo hoggaansami waayo go’aamo hore looga soo saaray shaqaaqadaas inay sababi doonto tallaabo adag oo ciidamadu ammaanku ka qaadi doonaan cid kasta oo ka dhega-adaygta go’aamada dawladda.
“Balliga Diiriye Guuleed waxan ka dhacay waa nasiib-darro, in la lulo qarankuna uma baahna, ninkii nin waxyeellaa Qaranka oo dhanbuu waxyeellay, waa ayaan-darro. Waxaanu codsanaynaa oo weydiisanaynaa aynu nabadda xejisanno, noloshu waa nabadda.
Nimanka halkaa dhaawaca innaga gaadhsiiyeyna, waxaanu leenahay, tolow hanoo celinina, intii horena aynu wanaag ka wada doonno, nabaddana aynu wada-hejisanno,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Shaqaaqada ka soo cusboonaatay deegaanka Balliga Diiriye Guuleed, ayaa burisay isla markaana meesha ka saartay go’aan hore uga soo baxay Golaha Guurtida Somaliland oo dhex-dhexaadin ka galay Isku-dhac hore u dhexmaray labada dhinac.
Guddoomiye Saleebaan oo la weydiiyey haddii uu jiro isbeddel ka dambeeyey go’aankaas Guurtidu soo saartay, waxa uu ku jawaabay, “Go’aankii Golaha Guurtida wax beddelay ma jiraan, go’aankiina waa inuu fulaa , ninkii go’aanka ku talax-tagayaa, dee isaga iyo Qaranku way isleeyihiin, waayo go’aanku Qaranka ayuu dhaqayey. Markaa Qaranka iyo Ciddii go’aanka Guurtida ka hortimaaddaa, way isku-dhacayaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment