Thursday, February 12, 2015

Madax-dhaqameed Kasoo Jeeda Gobolka Buuhoodle Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Hargaysa:Feb,12,2015(Himilo)-Cuqaal iyo waxgarad dhaqan oo kasoo jeeda Gobolka Buuhoodle, ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa, waxana Soo Dhaweyntooda ka qaybqaatay Wasiirro culculus oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

saynWaxaa Maanta Maagalada Hargaysa Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Madaxda Dhaqanmeed Ka Socda Buuhoodle Madax Dhaqameedkan Oo Ka Kooban 11 Caaqil Iyo 4 Oday, Kuwaasi Oo Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) Uu Kaga Hortegay Degmada Beer Ee Gobolka Togdheer, Una Soo Gelbiyey Dhinaca Caasimada Somaliland.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Kuxigeenka Arrimaha Dibadda, ayaa wafigan si weyn usoo dhaweeyey, waxana ay qaddar nasasho ah kula qaateen Hutel Kaah ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in Waftigan Caasimadda u yimaadeen sidii wax looga qaban lahaa xasaradaha ka taagan Gobolkaas, “ Waxaan Soo Dhaweynaynaa Cuqaasha Buuhoodle Oo Habeen Hore Ka Soo Anbabaxay Buuhoodle Una Socda In Ay Wax Ka Qabtaan Nabada Iyo Mushkuladaha Ka Taagan Eeriyada Buuhoodle. Waxaana Uu Imaatinkoodan Ama Booqashadoodani Salka Ku Haysaa Wakhtigii Caana Shubkii Shir Ka Dhacay Buuhodle Oo Ay Isku Arkeen Salaadiiinta, Garaadada Iyo Cuqaashu Beelaha Kala Duwan Ka Soo Jeeday Buuhoodle Ay Iskugu Yimaadeen Oo Lagu Heshiiyey In Si Buuxda Loo Dhamaystiro Nabada Balankaasi Ayuu Socodkoodu Salka Ku Hayaa, Nabadu Waa Muhiim, Odayaasha Iyo Cuqaashuna Iyagaa Ah Furaha Nabada” Ayuu Yidhi wasiir xagla-toosiye

Wasiir Xaglo-toosiye oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay la qaban doonaan Wixii awooddooda ah si loo gaadho hadafkooda ah, waxana uu yidhi,

“ Waa Wefti Aad U Culus Waa Wafti Aanu Hore Noociisu U Iman Hargaysa Waa Waftigii Ay Ka Go’aysay Nabada Iyo Talada Deegaanka Buuhoodle Waxaan Illaahay Ka Baryayaa Ina Ay La Noqdaan Guul Iyo In Ay Gaadhaan Hadafkooda Nabadeed Ee Ay Ku Socdaan Waan Idin Soo Dhaweynaynaa Xukuumad Ahaana Waan Idin La Qabanaynaa Wax Allaale Wixii Aan Idinla Qaban Karno Ee Nabada Ku Saabsan Barbarkiina Ayaanu Taaganahay Waxaan Halkan Uga Mahadnaqayaa Salaadiinta Reer Togdheer Ee Soo Galbisay Ee Soo Dhawaysay Aad Baan Iyagana Ugu Mahadinayaa Soo Dhawayntooda, Magaaladiinii Ayaad Timaadeen Dadkiinii Ayaad U Timaadeen”

 

Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada oo iyaguna Halkaas ka Hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyey Waftigan Reer Buuhoodle, waxana ay sheegeen inay kala shaqayn doonaan sidii looga midho dhalin lahaayeen hawshooda Nabadeed ee ay wadaan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment