Madaxweynaha oo lagu qaabiley garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa u kicitimeen galabnimadii isla shalay dhinaca dalkaasi Itoobiya, waxaana Weftiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ku sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda Soomaaliya iyo Saraakiil kale.
Safarkan Maadaxweynaha iyo Weftigiisu dalka Itoobiya ku tageen, ayuu ujeeddadiisa ku sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulan ballaadhan kula yeelan doono Wufuud caalami ah, iyagoo ka wadahadli doona arrimo la xidhiidha xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Berlin ee Caasimadda dalka Jarmalka, halkaas oo uu baadhis caafimaad u tegay inay si fiican ugu soo dhammaatay, isla markaana uu kulamo kula yeeshay halkaas Masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Jarmalka, gaar ahaan Xafiiska Raysal-wasaaraha Jarmalka, kuwaasoo ay ka wadahadleen, sida uu sheegay, arrimo labada dalba dani ugu jirto, Inkasta oo aanay jirin faahfaahin dheeraad ah oo uu Warbaahinta siiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment