Sunday, February 8, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Bulshada Somaliland Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Xildhibaan Dhugad Isla Markaan Ka Hadlay Qiimihii Uu Dadka Iyo Dalka Ku Lahaa

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Ayaa Tacsi U Diray Golayaasha Qaranka Iyo Guud Ahaan Bulshada Somaliland Ee Ka Geeriyooday Marxuum Xildhaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi Oo Loo Yaqaanay Dhugad, Isla Markaana Ka Mid Ahaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada oo isugu jiray dhambaal tacsi ah iyo xogwaran ku saabsan qiimihii shaqsiyeed ee marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa dawladnimada Somaliland ayaa waxa uu dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment