Sunday, February 15, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Qaybgalay Xaflada Qalin-Jabinta Jaamacada Gabiley Ee Tima-Cade Islamarkaana Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Cusub

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa ka qaybgalay xaflada qalin-jabinta jaamacada Tima-cade ee ku taala magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, isla markaana waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii kala duwanayd ee dhamaysatay waxbarashada sare ee heer jaamicadeed ee darajada koowaad, waxaanu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey gobolka Gabiley.
Madaxweynaha oo intii uu ku gudo jiray jidka u dhexeeya hargeysa ilaa Gabiley, ayaa shacbiga deegaamadaasi si weyn ugu soo dhaweeyeen, taasoo uu madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dhex lugeeyey dadweyne tiro badan oo soo buux dhaafiyey waddooyinka Arabsiyo dhexdeeda.
kaddibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca gabiley oo ay shacbi tiro badani isugu soo baxeen oo ay tubnaayeen Kaantaroolka ilaa jaamacada inta u dhaxaysa, kuna soo dhawaynayeen, iyagoo lulaya calleemo qoyan isla markaana ku dhawaaqaya erayo muujinaya dareenkooda waddanimo, jaceylka ay u qabaan madaxweynaha iyo xukuumadiisaba.
intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu gaadhay goobta lagu qabanaayey xaflada jaamacada ee lagu sagootiyaayey ardayda sanadkan dhamaysatay waxbarashada jaamacadeed isaga oo madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii ugu saraysay kulliyadaha iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeysay jaamacada Tima-cade sanadkan.
Waxa kale oo halkaasi uu madaxweynuhu shahaado sahraf guddoonsiiyey Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ah guddoomiyaha Jaamacada Amoud University oo ay jaamacada Tima-cade u aqoonsatay Aabaha jaamacadaha Somaliland.
Dhinaca kalena madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray dhismeyaal iyo waddooyin kala duwan oo ay ugu horeeyeen Dhismaha Hool weyn oo jaamacada Tim-cade yeelan doonto oo ay maantaba ku qabsatay Xaflada qalin-jebinta jaamacada, furitaanka Cusbitaalka Dhimirka oo laga hirgeliyey gabiley, waxa kale oo uu madaxweynuhu furay dhismeyaal lagu kordhiyey cusbitaalka TB ee Gabiley, isaga oo ku guda jira mashaariicda gabolka ka hirgalayna waxa uu xadhiga ka jaray iyana waddo isku xidhi doonta magaalada iyo xabaalaha.
Halka uu madaxweynuhu dhagax-dhigay waddo casri ah oo loo qorsheeyey inay isku xidho guddaha magaalada gabiley, iyo waddo iyana nooceedu ku cusbaan doonto dalka taasi oo noqon doonta waddo laba haad ah balse dhexdeeda ay hadhsan doonaan shacbigu, baabuurtuna ay dhinacyada uun ka mari doonto.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codka-Madaxweynaha-JSL-ee-Jaamacada-Gabiley.mp3"][/audio]

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

[gallery columns="4" ids="15700,15699,15698,15697,15696,15695,15694,15693,15692,15691,15690,15689,15688,15687,15686,15685,15684,15683,15682,15681,15680,15679,15678,15677,15676,15675,15674,15673,15672,15671,15670,15669,15668,15667,15666,15665,15664,15663,15662,15661,15660,15659,15658,15657,15656,15655,15654,15653,15652,15651,15650,15649,15648,15647,15646,15645,15644,15643,15642,15641,15640,15639,15638,15637,15636,15635,15634,15633,15632,15631,15630,15629,15628,15627,15626,15625,15624,15623,15622,15621,15620,15619,15618,15617,15616,15615,15614,15613,15612,15611"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment