Hargeysa, 17 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cadulle, ayaa sheegay in toddobaadkii hore daraasad muddo socotay ay ku ogaadeen xaddiga Biyaha Ceelasha Deegaanka Xumbo-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay in Mashruucaas oo loo qorsheeyey in lagu waraabiyo Koonfurta iyo Bariga Caasimadda lagu mushkiladeeyey Siyaasad iyo Qabyaalad.

Waxaanu Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle Guddiga Joogtada ah ee Guurtida u sheegay, in guud ahaan dalka sannadkii la soo dhaafay ay ku sameeyeen Daraasad ay fuliyeen laba Sahan oo loo diray inay Ceelasha dalka ee Bari illaa Galbeed ah soo hubiyaan sida ay u shaqaynayaan iyo inta wax qabta, waxaanu yidhi; “Lawyo-caddo illaa Ceelaayo oo Xuduudka ah Ceelasha maanta dadku ka cabbaan ah way noo suntan yihiin, mid walba Banbada ku jirta iyo Matoorka ku jira waannu ognahay. Waxaa Wasaaraddu awood u yeelatay haddii la yidhaahdo Saylac ayaa Ceelku ka fadhiistay inaannu Computer-kayaga galno oo markaaba ogaano Bambada Ceelkaas ku jirta, Matoorka ku jira iyo Qasabadaha ku jira nooca ay yihiin iyo waxay qabaanba aannu ogaan karno.”
Wasiirku waxa uu ka warramay Mashaariic Hargeysa lagu biyo-gelinayay oo hortii la saxeexay, balse aan illaa hadda dhammaan, waxaanu yidhi; “Mashruucan Xumbo-weyne muddo illaa 4 sano ku siman ayuu Miiska innoo saarnaa. Waxaan u imid iyadoo Ceelashii la qoday oo Mashruucii taagan-yahay oo khadkuu mari lahaa la dhigay, taasi waxay keentay Isqabsi, Siyaasad, waxaana la dhex-geliyay Mashruucaas Siyaasad iyadoo aan cidba ogayn in Ceelashu yihiin kuwo Biyo leh.”
“Mashruucaas oo loo qorsheeyey in lagu waraabiyo Bariga iyo Koonfurta Hargeysa, qayladiisu way badatay, marbaa la yidhi; ‘inta Biyaha halkaas laga soo qaado ayaa Galbeed la geynayaa oo dib baa loo celinayaa, waxaasna waxba kama jirin. Mashruucaas waa la Siyaasaddeeyay, waa la qabyaaladdeeyay, Dilaalna waa dhex-galay. Laakiin, waxaan maanta idiinku Bushaaraynaynaa inaannu ogaannay inta ay leegyihiin Biyaha Ceelasha laga qaday Xumbo-weyne, Toddobaadkii hore ayay Daraasaddu noo soo dhammaatay, waxaanannu ka helnay Biyo badan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu haatan dhaw yahay dhammaystirka Qorshaha Mashruuca Xumbo-weyne. Waxaanu sidoo kale sheegay in Mashruuca Biyo-ballaadhanta Caasimadda oo ay wado Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka madaxbannaan Wasaaradda in ay hadda tahay arrin aan kharash la'aani hayn, balse uu diyaar yahay Masharuucaasina.
Sidoo kale, waxa uu sheegay Wasiirka Biyuhu inuu Sanduuqa horumarinta Somaliland uu ka helay hal Milyan oo Doollar oo Biyo loogu sahaminayo, looguna samaynayo Biyo Nadiif ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaanu intaas ku daray in Qorshaha ay dejisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku ee labada sano, shanta sano iyo 30-ka sano ee soo socda-ba si fiican biyaha wax loogaga qabanayo. Isla markaana, ay ku hawlan yihiin sidii ay u soo jiidan lahaayeen Maalgashadayaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah oo wax kala qabta Biyaha Somaliland. Waxaanu intaas ku daray in Wasaaradda Biyuhu leedahay Siyaasad qorshaysan oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen iyo Xeerka Biyaha oo Baarlamaanku ansixiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment