Alleybaday, 15 Feb, 2015 (Himilo)- Qof la dilay ayaa shalay gelinkii dambe Meydkiisa laga helay magaalada Allay-baday oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana la sheegay inuu ahaa Wiil yar oo Arday ah oo 13/14 sano jir ah, waxaana magaalada ka bilaabmay qas, buuq iyo dhagax-tuur, ka dib markii ay Boolisku daaheen goobta Meydka laga helay oo magaalada ku dhaw.
Dadka reer Allay-baday qaarkood oo Wargeyska Himilo la xidhiidhay, ayaa sheegay in Wiilkan Meydkiisa la helay la waayey Khamiistii toddobaadkan, isla markaana waalidkiis daydayayeen oo loo filayey inuu meel kale tegay. Hase-yeeshee, waxa warku intaas ku daray in isagoo sidii loo deydayo gelinkii dambe ee maanta laga helay meel magaalada aad ugu dhaw Meydkiisa oo yaalla oo Xadhig lagu dilay qoorta lagaga xidhay sida ay dadka dul-tegay xaqiijiyeen. Hase-yeeshee, Ciidanka Booliska ee Saldhigga Demgada Allay-baday oo loo soo sheegay markii Meydka la arkay ay ka daaheen oo sidii la rabay aanay uga hawlgelin, ka dibna markay fiid noqotay Dadweyneha oo gedoodsani Shiideen Saldhigga Booliska iyo Xarunta Maamulka degmada.
Dhagax-tuurkaas, ayaa xaaladda u rogay mid kacsan sida ay dadka deegaanku ku warrameen, balse markii dambe xaaladdu wey degtay, ka dib markii Ciidanku tageen halkaas. “Walaal Boolisku intii hore may iman Boolisku, balse markii dambe ee ay habeen noqotay ayay yimaaddeen Ciidan iyo Maamulka gobolka Gabiley, markaa Ciidankaas ayaa meeshii Meydku yaallay Xadhig ku wareejiyey dadkana ka dareeriyey, waxaanay yidhaahdeen kol hadday habeen noqotay lama qaadayo Meydka inta waagu beryaayo halkan baannu ku ilaalinaynaa si aannu Berri (maanta) meesha ugu sawirno oo baadhitaanka uga sii bilawno.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah dadweynaha reer Allay-baday oo Weriye ka tirsan Himilo la hadashay.
Taliyaha qaybta Ciidanka gobolka Gabiley oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo dilkaas, hase ahaatee xaqiijiyey Meydkaas laga helay gudaha magaalada Allay-baday, waxaanu intaas ku daray inay jiraan dad loo xidhay kiiskaas, kuwaasoo ay Ciidanka Ammaanku hawlgal ay sameeyeen isla markii meydka la helayba ka dib ay ku soo qabqabteen, kuwaasoo baadhisi ku socoto.
“Wuu jiraa (Meydkaasi), laakiin baadhis baa ku socota oo ka hordhici mayno wax war ahna ka bixin mayno illaa ay baadhistu dhammaato oo natiijo sugan la helo.” Sidaa ayuu si kooban u yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley. Waxaanannu sii weydiinnay in la garanayo Meydka la helay, waxaanu si kooban u yidhi; “Waa la garanayaa, waana deegaanka, laakiin magiciisa ma rabo inaan kuu sheego, kiiskana baadhis baa ku socota oo weli waa la baadhayaa…”
Wiilkan13/14 jirka da’diisa lagu sheegay, ayaa qoyskoodu degganaa magaalada, isla markaana waxa uu ka mid ahaa Ardayda halkaas wax ka barata, magiciisana waxa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Xasan. Inkasta oo aan weli la caddayn sababta dilkiisu ku timi iyo cidda dishay toona. Hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxeen in qoys loo tuhmay dilka Wiilkan yar ay baxsadeen markii Meydka la helay ka dib, keliyana hal qof ay Ciidanku gacanta ku dhigeen oo qoyskaas ka tirsanaa, dad kalena ay xidh-xidheen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment