“Waxana aanu xoojinaynaa haddii ay 26-Ka June ay Gaadho in Xukuumaddi Wakhtigeedii uu dhamaaday Baarlamaankana wakhtigiisii uu dhamaaday” - Cali Cilmi Geelle.
Hargeysa, 08 Feb, 2015 (Himilo)-Labada Xisbi-mucaarid ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay Guddiyo isku dhaf ah oo ay yagleeleen, kuwaas oo salka ku haya sidii loo dardargelin lahaa Arrimaha Doorashooyinka ee Dalka kusoo foolka leh.

“Waxanu halkan ku fadhinaa Laba Guddi oo labada Xisbi soo wada saareen oo ka tashanaysa, kana shaqaynaysa xaaladda guud ee dalku marayo, doorashooyinka inagu soo foolka leh iyo wixii laga yeeli lahaa, iyo waliba sidii ay u qabsoomi lahaayeen, kulankanina waa kii koowaad qaar kalena waa yeelan doonaan. Waxa kale oo aanu ku heshiinay inaanu iskaashi buuxa oo mucaaridnimo yeelano,” Sidaas waxa yidhi Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo Xisbiga UCID ugu jira Guddiga isku-dhafka ee Mucaaradka.
Cabdinaasir Qodax oo hadalkiisa sii watay, ayaa sheegay in ajandaha ay ugu jirti sidii wada shaqayn buuxda ay ula yeelan lahaayeen Guddida Doorashooyinka qaranka, waxaanu yidhi, “waxaynu la soconaa in 26-ka June ay ku egtahay doorashooyinkii madaxweynaha iyo tii baarlamaankuba, wixii laga yeeli lahaana 26-ka June ka bacdi waanu isla soo qaadnay waana isla waafaqnay, waxa kale oo ajandaha noogu jirta hawsha weyn ee Komishanka qaranku ku jiraan inaanu dhawrno oo inta ay hawsha ku jiraana wada shaqayntii aanu la wadnay sii xoojino wixii caqabado ku ah Qabsoomidda doorashooyinkana aanu wada shaqayn buuxda ka yeelano.”
Mudane Qodax waxa uu tilmaamay in Guddidoodu si midaysan isula garteen in Baarlamaanka Iyo madaxweynaha midkoodna aan loo samayn karin wax muddo kordhin ah, waxana uu yidhi, “Waxaanu ka soo horjeednaa oo isla waafaqnay in muddo-kordhin la sameeyo, sidii doorashoo loo qaban lahaa ee Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadaba aan muddo kordhin loogu samayn lahayn waanu isla soo qaadnay.”
Cali Cilmi Geelle oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay sidii ay samayn lahaayeen Saaxad mucaaradeed oo awood badan leh, soona jiidata bulshada wax tebaysa, “Waxanu dadka u sheegaynaa labadaas xisbi ee UCID iyo Waddani iskaashi bay bilaabeen, waxaana aanu halkan ku fadhinaa Guddiyo min shan ah oo wada shaqaynta Labada xisbi ka shaqayn doona, mucaaradaddan dadka qaar haddii ay u yaqaaniin in la caytamo annagu caytami mayno, wixii wanaag ah ee cidda talada haysaa qabatana waanu sheegi, wixii ka xunna waanu sheegi, maantana waxa noo bilowday Wakhti wanaagsan oo labadayda Xisbi aanu kaga tashanaynno aayaha Dalka, waxana aanu xoojinaynaa haddii ay 26-Ka June ay gaadho in Xukuumaddi Wakhtigeedii uu dhamaaday Baarlamaankana wakhtigiisii uu dhamaaday,” ayuu yidhi Cali Cilmi Geelle.
Isbahaysigan cusub ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid u samaysteen Dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka soo socda iyo Qabanqaabadooda, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Madax-dhaqameed dalka qaarkood ka hadleen muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, diyaar-garow la’aanta ka jirta xagga doorashada oo wakhti ka hadhsani gabaabsi yahay iyada oo aan wali la qaban diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah shuruudda ugu weyn ee doorasho dalka ka dhacdaa ku xidhan tahay.
Isbahaysiga dhinaca siyaasadda ee ay ku dhawaaqeen xisbiga Mucaaradka ahi, ayaan ahayn markii u horeysya ee ay dhinaca uga soo jeestaan mowqifkooda mucaaradeed, haseyeeshee waxa ay sidan oo kale u samaysteen Isbahaysi siyaasadeed oo saldhigiisu ahaa sidii loo abuuri lahaa Saaxad mucaaradeed oo awood badan leh, balse wax midho-dhal ahi kama dhalan isbeddelkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment