
Sida laga soo xiganayo Netanyahu waxa u qorsheysan inay joojiyaan 40 Milyan oo lacagta Euro ah Yuhuudda dib uga soo noqoneysa dalalka Faransiis, Biljimka iyo Yukreyn, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Yuhuudda ahi.
Wada hadalka u dhexeeyey Falastiin iyo Israel ayaa qodobada laga dhaqaaqi waayey waxaa ka mid ahaa dib u soo noqoshada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Yuhuuddu dhulkooda ka caydhiyeen kuwaas oo ku dhaqan dalalka Lubnaan iyo Urdun, Israel ayaa diidey in dadkasi dib ugu soo noqdaan dhulka la haysto ee Falastiin, waxaana hadda Netanyahu u yeedhanayaa kuwo aan weligoodba arag dhulka xoogga lagu abuurey ee Israel.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment