
Go’aanka Xukuumadu ku fasaxday Markabka iyo Hubka Saaran oo Wasiirka Arrimaha Dibaddu shalay sababeeyey oo gunaanad u noqoday natiijada Shacabku ka sugayeen tallaabada ay xukuumaddu ka qaadi doonto, ayaa dadweynuhu uga hadleen siyaaabo kala duwan, iyaga oo badankoodu dhaliilay xukuumaddu u martay go’aan ka qaadasha Markabka iyo Saanadda Milatari ee saaran.
Weriye ka tirsan Himilo ayaa si gaar ah ugu kuur-galay dareenka bulshadu ku qaabishay arrintaas, isaga oo siyaabo kala duwan ula xidhiidhay dadweyne ku kala dhaqan gobollada dalka qaarkood.
Siciid Xaashi oo ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo Weriyuhu waxa ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay, “Dawladdu Nibiri soo caaryey ayay qaadan kari wayday, intii arrintani socotay hadallo is-khilaafsan baa ka soo baxayey, mar ay yidhaahdaan hubka cid leh ma garanayno, mar ay yidhaahdaan waa lanala soo hadlay iyo mar ay yidhaadeen waanu la wareegnayba. Wasiirro badan oo hadlayeyna midiba waxbuu ku hadlay, laakiin filan-waa iyo yaab-bay ku noqotay aniga iyo ciddii ila fikirka ahaydba,” ayuu yidhi Siciid, isaga oo intaas ku daray, “Waxaan aaminsanahay qoladdii Barigii la yidhi hub bay kala soo tageen Xeebaha Lughaya ayuunbuu markabkanina la mid ahaa, waayo ammaanka dalka ayaabu halis ku ahaa maadaama oon lanoo sheegin markii hore.”
Garyaqaan Maxamed Siciid oo ka tirsan Sharci-ayqaannada dalka, ayaa aragtidiisa sharci ku iftiimiyey sida go’aanka Xukuumaddu u buriyey amarka Maxkamadda gobolka Saaxil, waxaanu yidhi, “Waxaan u arkaa inaanay xukuumaddani danaynaynba inay dabbaqdo sharciyadda, waayo shalay (dorraad) kabtanka markabka waxa la geeyey Maxkamadda, isaguna looyarro ayuu qabsaday si uu isu difaaco, dacwadina way ku socotay, wixii lagu xukumayna waxba kama jiraan, waananu sii daynaynaa, layaab-bay nagu noqotay. Arrintuna maaha dawlad baa go’aan gaadhaye, waxa igala sii xun sharcigii iyo amarkii maxkamadeed waxba ka jiraan.”
“Runtii waxaan filayey inay dawladdu go’aan adag ka qaadato maxaa yeelay shuruucda dalka ayaabu ku gafay markabku, qaranimadana duullimaaad buu ku ahaa, waayo iyagoon cidba waxba ogeysiin ayay dalka la soo galeen. Ma garanayo siyaasadda meesha ku jirta, Laakiin marka xagga sharciga laga eego, gef weyn bay ahayd,” ayuu yidhi Garyaqaanku.
“Madaxweynuhu shalay (Dorraad) ciidanka xuskooduu ka qab-galay, markaad eegto hadalkiisana si fiican buu u ammaanay, ammaantuna mid ay mutaysteen bay ahayd waayo waa xoogga kaliya ee aynu ku dhisannahay. Maalintii horena waakii ku booqday jiidda hore, markaa anigu waxaan leeyahay, hubkaasi meel uu ku socdo lama garanayee, ciidankeenna geesiyeyaasha ahi marka lagu soo weerarro iyaguunbaa mar labaad gacanta ku dhigi doono,” Sidaa waxa yidhi Siddiiq Xaamud Siciid oo ka tirsan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeya.
Siddiiq oo aanu weydiinnay waxa uu uga jeedo in ciidanka lagu soo weeraro, waxa uu ku jawaabay, “Markii hubka la qabtay ee Somaliland sheegtay, maamul-goboleedka Puntland ee aynu jaarka nahay aadbuu uga qayliyey oo xataa hadalkii ninka wasiir ahaa ka yeedhay ee Al-Shabaabta uu ku eedaynayey Somaliland, muu ahayn mid meesha yaallay, waxuunbaa un arkay in eeddu iyaga ku foorarto, waayo siday uga qayliyeen marka la eego, waxay iila muuqatay inay iyaguba leeyihiin hubka,” ayuu yidhi Siddiiq.
Maxamuud Qawdhan oo ka tirsan ganacsatada Caasimadda oo wariye ka tirsan Himilo weydiiyey aragtidii la xidhiidha go’aanka Xukuumaddu ka qaadatay sii-deynta Markabka, ayaa ku dooday in xukuumaddu leedahay masuuliyadda iyo go’aan ka-gaadhista qadiyadaha khuseeya siyaasadda iyo ilaalinta Ammaanka dalka, waxaanu yidhi, “Horta, dawladdu iyadaa xaq u leh inay arrimahan oo kale go’aan ka gaadho, shacabka ku metasho, laakiin waxa igaga sii daran oo aan u qaadan waayey siday markiiba wax isu-beddeleen iyo hubkii waa la dejiyey iyo waa la fasaxay. Waxa taas kaba sii daran siduu hubkaasi u dawakhiyey dadka, waayo mashruuc todobaad ina haystay buu ahaa oo arrintiisu meel fog gaadhay.”
Amaal Siyaad Yoonis oo ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa sheegtay, “Waxaan is odhan karaa go’aan miyir-qaba ayuu ahaa, anigoon dhinaca kaleba ka eegin, mar hadday arrintu gaadhay in dawladdii loo tirinayey xidhiidh la soo samayso Xukuumadda, markaa waxay noqonaysaa arrin dibloomaasiyadeed in la ixtiraamo ayay mudan tahay. In kasta oo caadifaddu isaga dhexjirto dadka, haddana shakhsi ahaan waan taageersanahay go’aankaas xukuumaddu qaadatay inay ku fasaxdo oo la yidhaahdo nala dhaafa wixiina,” Sidaas ayey tidhi Amaal oo khadka telefoonka kula hadlaysay Weriye ka tirsna Himilo oo la xidhiidhay.
Himilomedia.Com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment