Ujeeddada Safarka Madaxweynaha, ayaan la shaacin, waxanse la tilmaamay inay salka ku hayso Mashaariic halkaas laga dhagax dhigayo, halka qaar kalena xadhiga laga jari doono.Mashaariicda uu madaxweynuhu xadhiga ka jari doono iyo kuwa uu dhagaxa dhigi doono, ayaa ku yaalla Gudaha Magaalada Gabiley, waxana la filayaa inuu gaadho magaalada Wajaale oo lafteeda mashaariic laga furi doono.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa safarkiisan gaaban waxa ku wehelinaya xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada iyo xildhibaano deegaankaas kasoo, waxana la filayaa inaanu kusii raagi doonin halkaas.
Dhawaanahan Madaxweyne Siilaanyo, ayaa safari gaagaab oo intooda badan mashaariic horumarineed lagu daahfurayey ugu amba baxayey dalka Gudihiisa, xilli la sheegayo inuu musharrax ka yahay Dooorashooyinka la filayo in dalka dhawaan ay ka dhici doonaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment