Sunday, February 8, 2015

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Cid gaar ah ku eedaysay Masuuliyadda Cudurro ka Dillaacay degmada Dila oo Xoollo u dhinteen

Hargeysa, 08 Feb, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland,ayaa jawaaq ka bixisay qawlo-dhaan ka soo yeedhay Xoolo-dhaqada deegaanno hoos-yimaadda degmada Dila ee gobolka Awdal, kuwaas oo sheegay in xoolahoodu u dhimanayaan cudurro ka dillaacay deegaankaas, waxaanay wasaaraddu sheegtay in cudurradaasi ka dhasheen Xoolo loo qaybiyey dadka deegaanka.
Agaasimaha-guud-x.-xoolaha-Dr-OdowaaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan deegaannada qaylo-dhaantu ka soo yeedhay ee cudurradu ka dilaaceen ay direen kooxo dhakhaatiirta caafimaadka ah, balse waxa uu ku dooday in cudurradaasi ka daba-yimaaddeen hawl-gal iyo ololeyaal caafimaad oo laga fuliyey deegaankas.
“Inkasta oo aanu ahayn sida loo sheegayo, Cudurkaasi wuu jiraa oo waxaa laga soo sheegay dhawr tuulo, waxaana keenay Hay’ad ayaa qaybisay xoolo ay dadka ku xoolaynaysay, markaas halkaas buu xannuunku ka bilaamay. Annagu waxaanu diray laba kooxood oo dhakhaatiir ah oo qolana waxay qabatay dhinaca Waqooyi Galbeed ee Garbodadar,qolada kalena dhinaca Dila iyo degaamada ku dhaw oo xanuunka laga soo sheegay, horena waxaa u joogay Koox oo hore ayay warbixinta xanuunku noogu timi”, Sidaa waxa yidhi Agaasimaha oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xooluhu waxa uu ugu baaqay cidkasta oo Arrimaha Xoolaha ku shaqo leh inaanay wasaaradda u gacan dhaafin, “Waxaan doonayaa inaan halkan war ka gaadhsiiiyo Hay’addaha iyo Ururada ku shaqada leh Xoolaha iyo Xannaanayntooda ama Xoolaynta dadka, waxaanu ku war galinaynaa inaan wada shaqaynta Wasaaradda la baal marin, waxaa muhiim ah in marka la doonayo in Xoolaha la Iibiyo in la hubiyo Caafimaadkooda in la talaalo, in tababar iyo wacyi galin loo sameeyo dadka la siinayo. Haddii Xoolihii la siiyo oo intii yarayd ee ay haysteen ka sahaydaan ama aanay Xoolaba dhaqan jirin oo sida loo dhaqdo garan waayaan, taasi dhib kale ayay inagu abuuraysaa,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.
In kasta oo Agaasimuhu sheegay in cudurrada ka dillaacay deegaanku ka dhasheen xoolaha hay’addu u qaybisay dadka, wasaarad ahaanna ay u direen dhakhaatiir caafimaadka xoolaha ah, haddana waxa uu warkani soo baxay oo lagu ogaaday qaylo-dhaan ka soo jeeday Xoolo-dhaqatada deegaanka Dila, kuwaas oo sheegay inay Xoolo tiro badan oo isugu jira Lo’ iyo Adhi u dhinteen Xanuunnada Sambabka iyo Cabeebka, wax gurmad caafimaad ah oo lagu badbaadinayo xoolaha aanay ka helin dawladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya horumarinta Xoolaha nool ee Dalka ku sugan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment